Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wasiirka Difaaca ee dalka Shiinaha

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 month ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wasiirka Difaaca ee dalka Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun.

Kulanka oo ku dhacay jawi saaxiibtinimo iyo is-afgarad leh, ayaa diiradda lagu saaray sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo ballaarinta iskaashiga difaaca iyo amniga. Labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda wada-shaqeyn ku dhisan is-ixtiraam, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed, kana jawaabta xaaladaha amni ee Soomaaliya iyo isbeddellada ka socda gobolka iyo caalamka.

Wasiir Fiqi ayaa dhiggiisa Shiinaha uga warramay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga iyo xasilloonida, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wuxuu tilmaamay in mudnaanta Dowladda Federaalka ay tahay dhismaha ciidan qaran oo tababaran, qalabeysan, awoodna u leh difaaca dalka iyo la wareegidda mas’uuliyadda amniga qaranka.

Admiral Dong Jun ayaa bogaadiyey horumarka muuqda ee Soomaaliya ka gaartay amniga, dowlad-dhiska iyo tayeynta ciidanka qaranka. Wasiir Fiqi ayaa dhankiisa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyey taageerada soo jireenka ah ee wax-ku-oolka ah iyo garab-istaagga joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa isla gartay in la dardargeliyo hirgelinta is-afgaradyada jira, lana sii ballaariyo iskaashiga difaaca iyo amniga, si xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal loogu beddelo tallaabooyin la taaban karo oo wax ka tara nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Previous Post

TACSI:Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida ku timi Weriye Maxamed Muudey(Boqorka Bartamaha)

Next Post

Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo buuxiyay boosas banaanaa

Next Post
Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo buuxiyay boosas banaanaa

Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo buuxiyay boosas banaanaa

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In