Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muhiimadda Shirka Amniga Qaranka ee dhawaan Muqdisho ka furmi doona

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Muhiimadda Shirka Amniga Qaranka ee dhawaan Muqdisho ka furmi doona
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026

Shirka Amniga Qaranka waa shir sadexdii biloodba mar la qabto, waxaa looga hadlaa Xaaladda guud ee Amniga dalka, wixii qabsoomay mudada labada shir u dhaxaysa iyo wixii aan qabsoomin, waxaana ka qaybgala Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shirkan waxa uu ka mid yahay qorsheyaashii ugu horreeyey ee uu saxiixo Madaxweyne Farmaajo maadama uu ka farcamay heshiiskii amni ee 17ii  Abriil, 2017 ay wada galeen Xukuumadda, Madaxda Dowladda Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Soomaaliya.

Muddada uu socdo kulamada shirkan waxaa dib u eegid lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo Ciidanka Xoogga, iyadoona la gorfeeyo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha xoogga la saarayo.

Shirka Amniga Qaranka waa madasha kaliya ee haatan ay si joogta ah ugu kulmaan Madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, waxa uuna leeyahay guddiyo hoosaad iyo xeer anshax.

Kulanka kama soo qeyb galaan cid aan Soomaali ahayn, waxaana abaabulkiisa iyo kharashaadka ku baxa bixiya Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Shirkan caadi ahaan waxa uu socdaa muddo 2 ilaa 3 malmood ah Waxaana guddoomiya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah Taliyaha Guud Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya

Tan iyo markii la asaasay Madasha Amniga Qaranka ma jirto xubin ka maqnaaatay ka qayb galka shirarkeeda, marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka maqnaaday Shirkii bishii December ee sanadkii tagay 2017kii. Xiligaas oo uu u cudur daartay saxiixa heshiiskii Jabuuti uu kula galayey maamulka Ahlu Sunna.

Qodobada ka soo baxa Shirka Amniga Qaranka waa kuwa ugu saameynta badan shirarka heer Qaran, iyadoona sidoo kale aan lagu  koobin arrimaha amniga oo kaliya ee lagu falanqeeyo arrimaha Siyaasadda, Dastuurka, Doorashooyinka iyo Federaalaynta.

Arrimaha ilaa haatan guulaha lagaga gaaray waxaa ka mid ah midaynta qorsheyaasha iyo cududda dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, hannaanka dib u qaabaynta ciidamada iyo xasilinta siyaasadda dalka.

Sharciga lagu dhisayo Golaha Amniga Qaranka ayaa la horgeeynayaa Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 111, Faqrada (h).

Previous Post

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Next Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ka warbaixiyay safar uu ku tagay dalka Suudaan”Sawirro”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  oo ka warbaixiyay safar uu ku tagay dalka Suudaan”Sawirro”

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ka warbaixiyay safar uu ku tagay dalka Suudaan''Sawirro''

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In