Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka wasiirrada IGAD ee arrimaha qaxootiga

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
11 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka wasiirrada IGAD ee arrimaha qaxootiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa Soomaaliya ku matalayay shir heer-wasiir oo IGAD ka dhacay Nairobi.

Shirka ayaa ahaa mid lagu qiimaynayo horumarka hirgelinta Heshiiskii Nairobi ee xalalka waara loogu helayo qaxootiga Soomaaliyeed iyo dib-u-dejinta dadka soo laabanaya.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026

Wasiir Xoosh ayaa madasha ka jeediyay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda bani’aadannimo ee dalka, isaga oo xusay caqabadaha barakaca gudaha, soo laabashada qaxootiga, iyo saamaynta abaarta ka dhalatay isbeddelka cimilada.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay fulinta ballanqaadyada Heshiiskii Nairobi, isla markaana horumar laga sameeyay sharciyeynta ilaalinta dadka barakacay, oo ay ka mid yihiin ansixinta Xeerka Qaxootiga iyo Magangelyo Doonka (2023) iyo Xeerka Barakacayaasha Gudaha oo bishan la meel mariyey.

Shirka Nairobi ayaa isku keenay wasiirro ka socda dalalka IGAD si ay uga wada tashadaan xalal waara oo ku saabsan barakaca, iyadoo Soomaaliya ay hoggaaminayso dadaallada lagu doonayo xalal gargaarka degdeg ah.

Previous Post

Bayaanka Shirweynaha 3aad Ee Culimada Soomaaliyeed

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo heshiis la saxiixday dhiggiisa dalka Marooko

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo heshiis la saxiixday dhiggiisa dalka Marooko

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo heshiis la saxiixday dhiggiisa dalka Marooko

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Hassan, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda,...

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In