Monday, June 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad Balaaran oo Lagu Soo Dhaweynayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xalay Lagu Qabtay Xaafada Islii”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 8, 2015
in Wararka
0
Munaasabad Balaaran oo Lagu Soo Dhaweynayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xalay Lagu Qabtay Xaafada Islii”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad balaaran oo ay soo qaban qaabisay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi,laguna soo dhaweynayay wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo booqaso ku joogo magaalada Nairobi ayaa xalay lagu qabtay xaafada ay soomaalidu degto ee Islii.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada,mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Kenya oo ay xildhibano ku jireen,safiirka dowlada Soomaaliya u qaabilsan dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan,xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Soomaaliya iyo fanaaniin ay ka mid ahayd Khadiijo Foodeey Nuur,kuwasi oo munaasabadda ku soo bandhigay heeso wadani ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

June 1, 2025
𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐟𝐚-𝐠𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐟𝐚-𝐠𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

June 1, 2025

Ugu horeyn waxaa munaasabadda ka hadlay waxgaradkii odoyaashii,salaadiintii iyo haweenkii ka soo qeyb galay munaasabadda,iyagoo gudoomiyaha gobolka Banaadir ku amaanay is bedelka dhinac kasta leh oo uu ka sameeyay gobolka Banaadir.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale hadalo ka jeediyay xildhibaan C/qaadir Oore oo ka tirsan baarlamaanka Kenya iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada hoose ee Nairobi.

Xildhibaan C/qaadir Oore oo ka tirsan dowlada Kenya ayaa sheegay in %30 dakhliga Nairobi uu ka yimaado xaafada Islii,waxana uu taasi ku amaanay ganacsatada Soomaaliyeed ee ka ganacsata xaafada Islii.

Sidoo kale waxaa munaasabaddan lagu soo dhaweeynaya wafdiga uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Banaadir hadalo ka jeediyay xildhibaan Maxamed Cumar oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa C/laahi Colaad Rooble.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa C/laahi Colaad Roooble ayaa sheegay in gudoomiyaha gobolka Banaadir uu ilaa markii la magacaabay gobolka ka hir galiyay is-bedelo ay ka mid yihiin naleynta magaalada muqdisho,dib u soo celinta bilicda iyo wax ka qabashada ammaanka gobolka.

Safiirka Cusub ee dowlada Soomaaliya u magacwday dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka sheegay munaasabada lagu soo dhaweynayay gudoomiyaha gobolka Banaadir in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Danjire Jamaal ayaa dowlada Kenya uga mahad celiyay soo dhaweynta qaxootiga Soomaaliyeed,isagoo ka codsaday shacabka soomaaliyeed in ay dowlada Kenya kala shaqeeyaan wanaajinta ammaanka dalka ay martida ku yihiin.

Ugu danbeyntii waxaa munaasabadda soo xiray gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab),waxana uu u mahad celiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkani Kenya ee soo qaban qaabisay munaasabadda lagu dhaweynayay.

Gudoomiye Muungaab ayaa ku dheeraaday ka sheekeeynta is-bedelka dhinacyada badan leh ee ka jira gobolka,sida horumarka,bilicda magaalada iyo ammaanka.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in magaalada Nairobi uu ku joogo casuumaad uu ka helay gudoomiyaha gobolka Nairobi Evans Kidero,ayna ka wada hadleen sidii ay iskaashi u yeelan lahaayeen labada gobol,kalana saxiixdeen heshiis iskaashi ah.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkani Kenya gaar ahaan ganacsatada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan mashruuca dalkaada dhiso,isagoo sheegay in dhawaan dib u dhis lagu sameeyn doono jidka Sodonka loona baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan.

Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale soo hadaly arrinta dhulalka la kala haysto,waxana uu u cadeeyay ummadda Soomaaliyeed in qof kasta oo si sharci darro ah dhul looga haysto uu cadeymihiisa ula yimaado dowlada hoose ee muqdisho,isagoo sheegay in la siin doono dhulkiisa hadii ay sax noqdaan cadeymaha uu wato.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa noqonayo mas’uulikii ugu horeeyay oo ka tirsan dowlada Soomaaliya,kaasi oo xaafada ay soomaalidu degto ee Ilsii  kulan kula qaato jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi.

IMG_0173 IMG_0174 IMG_0175 IMG_0177 IMG_0178 IMG_0179 IMG_0182 IMG_0183 IMG_0184 IMG_0185 IMG_0186 IMG_0187 IMG_0188 IMG_0189 IMG_0190 IMG_0192 IMG_0193 IMG_0194 IMG_0196 IMG_0197 IMG_0201 IMG_0204 IMG_0206 IMG_0208 IMG_0210 IMG_0212 IMG_0214 IMG_0215 IMG_0219 IMG_0220 IMG_0223 IMG_0225 IMG_0227 IMG_0229 IMG_0231 IMG_0233 IMG_0235 IMG_0237 IMG_0238 IMG_0239 IMG_0241 IMG_0244 IMG_0246 IMG_0254 IMG_0260 IMG_0264 IMG_0265 IMG_0268 IMG_0276 IMG_0278 IMG_0288 IMG_0296 IMG_0304 IMG_0306 IMG_0308 IMG_0311 IMG_0327 IMG_0333 IMG_0339 IMG_0342 IMG_0344 IMG_0348 IMG_0350 IMG_0360 IMG_0363 IMG_0365 IMG_0366 IMG_0369 IMG_0375 IMG_0379 IMG_0383 IMG_0384 IMG_0385

Sawir qaade:- C/raxmaan Cumar Cabdi(Somali)

Previous Post

Horyaalka 16-aad ee ciyaaraha kubbada gacanta oo maanta ka furmay Muqdisho+Sawirro.

Next Post

Baarlamaanka Soomaaliya oo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ka doodi doono maanta

Next Post
Wasiirka Amniga oo maanta  Horimaandoona Barlamaanka Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliya oo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ka doodi doono maanta

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta u ambabaxay Jamhuuriyadda aan...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐟𝐚-𝐠𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐟𝐚-𝐠𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan gaar ah, oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare ,Mudane...

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye...

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Dr. Hassan Sheikh Mohamud oo ka ambaaqaaday gogoshii uu horey ugu dhawaaqay ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In