Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu taageerayay Madaxweynaha la doortay ee Soamaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi (Farmaajo) oo ka dhacday Phoenix Arizona USA.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 14, 2017
in Wararka
0
Munaasabad lagu taageerayay Madaxweynaha la doortay ee Soamaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi (Farmaajo) oo ka dhacday Phoenix Arizona USA.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen dad aad u faro badan, isla markaana lagu taageerayay dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ka dhacday Magaalada Phoenix ee dalka Mareykanka.
Munaasabaddan ayaa waxaa ka hadlay dad aad u badan kuwaasi oo taagero buuxda u mujiyay madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Ugu horreyn waxaa munaasabadda ka hadlay Mustafa  Haji Af-Balaadh Gudoomiyaha Somali Association Of Arizona oo ku hadlayay magaca dadkii soo qabanqaabiyay munaasabadda, wuxuuna u mahadceliyay dadkii ka soo qeybgalay munaasabadda oo uu sheegay in ay ka kala yimaadeen Magaalooyinka kala duwan ee Gobalka Arizona.
Intaas kaddib Musatafe Xaaji waxaa uu sheegay in munaasabadda ay u qabteen in ay taageeraan dowladda cusub ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxda tayada leh ee la doortay, wuxuuna madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo u rajeeyay in uu Allaah u fududeeyo xilka loo doortay.   Sidoo kalena wuxuu bogaadiyay madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxmuud oo uu halyeey Soomaaliyeed ku tilmaamay, isagoo xusay in Xasan Sheikh Maxamuud iyo xukuumadihii la soo shaqeyay ay soo gaarsiiyeen dalka meel ay dadka Soomaaliyeed dhammaantood ku niyad-weyn yahiin.
Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay Cabdifitax Ahmed Cabdikariin wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay maanta heystaan fursad ay kula  shaqeyn karaan dowladda Somaaliya maadama la doortay Madaxweyne  ku yimid rabitaanka bulshada Soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigaye.
waxuu intaas ku daray Cabdifitaax in dadka Soomaaliyeed ay u gurmadan sidii loo dhisi lahaa Ciidamada Qaran oo ay yeelato Dowladda dhexe ee Soomaaliya mushaarkodane ay bixiyaan Jaaliyadaha dibada.
Dhanka kale waxaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay Munaasabadda loogu dabaal-dagayay Madaxweeynaha la doortay ee Soomaaliya (Farmaajo) Sacdiyo Abdirizaq oo ka mid aheyd  madax Jaaliyadda Soomaaliyed ee Arizona oo tilmaantay in maanta ay Soomaaliya Fursad u heysato sidii ay cagahooda dib isugu soo taagi lahaayen lana jaan qaadi lahayen caalamka intiisa kale.
Col Jamac Bariir oo ka mid ah saraakiishii hore ee Ciidamaddii Soomaaliya ayaa isagana munaasabadda ka hadlay, wuxuuna talo u jediyay madaxweynaha la doortay in la soo celiyo saraakiishii hor ee ciidamada, lana howlgeliyo, wuxuuna madaxweynaha ka codsaday in uu arrimaha amniga xoogga saaro iyo dhaqaalaha si macluush iyo Ciidan la,aanta Soomaaliya looga samata-bixiyo
Ugu dambeyntiina waxaa si wada jir ah munaasabadda usoo gabagabeyay madaxda Jaaliyadda Soomaalyeed ee Somali Associan Of Arizona Hambalyo iyo Bogaadine u jeediyay Madaxweynaha Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Baarlamanka Soomaaliyeed ee la doortay.
Abdulrahman D Nur
Radio Muqdisha Phoenix Arizona.
[email protected]
IMG_3372 IMG_3370 IMG_3285 muki
Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Gen. Cadde Muuse oo maanta Boosaaso lagu aasayo

Next Post
Gen. Cadde Muuse oo maanta Boosaaso lagu aasayo

Gen. Cadde Muuse oo maanta Boosaaso lagu aasayo

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In