Munaasabad lagu maamuusayay soo nooleynta dhaqanka, hiddaha, farshaxanka iyo isdhexgalka bulshada ayna soo qaban qaabisaty wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalkiisa ayaa manta lagu qabtay xarunta degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Xafladdda waxaa ka qeybgalay wasiirk ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane C/laahi Colaad Rooble, maamulka degmada Xamarweyne, mas’uuliyiinta golaha abwaaninta iyo dadweyne farabadan.
Guddoomiyaha degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa hadlay qiimaha uu barnaamijkani u leeyahay nulshada iyo soo nooleeynta dhaqanka iyo hiddaha, isagoo wasaaradda dhaqanka dalxiiska ku amaanay qaban qaabada barnaamijkan lagu weyneynayo dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida.
Munaasabadda ayaa lagu soo bndhigay farshaxan, heeso lagu tartamayay iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee laga ciyaaro gobollada kala duwan ee dalkeena Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane Cabulaahi Colaad Rooble oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada barnaamijkani uu yahay sidii loo soo nooleyn lahaa dhaqanka iyo hiddaheena Soomaaliya, iyo sidii loo abuuri lahaa jawi isdhexgalka bulshada ah, wuxuuna intaa ku daray in barnaamijkani uu soo socday muddo sadex bilood ah, isagoo tilmaamay in uu sii socon doono barnaamijkan lagu weyneynayo dhaqanka.