Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu xusay Maalinta Agoonta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu xusay Maalinta Agoonta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu xusay Maalinta Agoonta Soomaaliyeed oo ku beegan 26 Maarso 1970 kii, sanad guuradii 47 aad ayaana maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan waxaa ka qeyb galey Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ku xiggeenadiisa, Saraakiil kusoo barbaaray Xarumihii Agoonta ee Dowladdii Kacaanka oo ka kala socday  Ciidamada qalabka sida, Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaana gacanta ku hayey Xarumhii Agoonta lagu barbarin jiray.

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026

Qaar ka mid ah Dadkii ku soo waxbartay Xarumihii Agoonta hadana qaarkood  oo ay ka mid yihiin Madaxda Dowladda ayaa halkaasi ka sheegay Taariikhda Agoonta Soomaaliyeed iyo sidii loo aas-aasay Xarumihii lagu xanaaneyn jiray.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in Heerka Maanta uu taagan yahay aysan u saarta gali laheyn, haddii aysan jiri laheyn Xarun Agoonta lagu barbaariyo,isagoo xusay in Guddi loo xilsaari doonno Caruurtii Kacaanka si loo mideeyo,lagana qaado lacago la doonayo in wax loogu qabto Caruurta Iminka dalka ku dayacan.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo Munaasabadda Gabagabadeeda hadlay ayaa u  hambalyeeyey Dadkii kusoo waxbartay Xarumihii Agoonta ee Dowladdii Kacaanka.

Xaruntii ugu horeysay ee loogu tala galay in Agoonta lagu Xanaaneeyo ayaa waxa ay aheyd Xarunta Agoonta Wiilasha ee Lafoole, 70 Caruur Agoon ah ayaana lagu aas-aasay Xaruntaasi, iyadoo Agaasime uu ka noqday Rashiid Shiikh Cismaan oo dadkii Munaasabadda kasoo qeyb galay ka mid ahaa, Xaruntii labaad ee la dhisana waxa ay noqotay Xarunta Agoonta Gabdhaha ee Dagmadda Afgooye, intaasi kadib Dowladdii Kacaanka ayaana  baahisay Xarumaha sidan oo kale ah iyadoo ka hirgalisay dhammaan Goboladda dalka.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shir-madaxeedki IGAD ee Nairobi+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In