Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu xusayay Maalinta Nabadda Gobalka Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu xusayay Maalinta Nabadda Gobalka Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo lagu magac daray xuska maalinta Nabadda iyo Horumarinta Gobalka Mudug, oo ku beegan 17 Decembar oo ah maalintii sida rasmiga ah Madaxda Galmudug iyo Puntland ay u kala saxiixdeen heshiiska Nabadda ku wada noolashaha iyo Joojinta Colaadii soo jireenka aheyd ee ka jirtay Gobalka Mudug, ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Galkacyo

Munaasabada oo ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan labada Maamul, Madax ka socotay Ururka Dhisidda Nabadda Gobalka Mudug (Mudug Peace Bulding) iyo Xubno ka socday Bulshada qeybahooda Kala duwan, ee Doorka lama iloobaanka ah kasoo qaatay Taaba galka Nabadda lagu naaloonayo ee ka jirta Gobalka, ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyihii hore ee gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye isxal iyo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobalka Mudug ee Puntland Maxamuud Jaamac Xirsi.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Odayaasha dhaqanka Haweenka iyo Dhalinyarada, Saraakiishii Ciidanka Xasilinta Xoogga Dalka, ee La aan tood aysan suurta Gasheen iyo Marti Sharaf lagu casuumo Kulanka, kuwaas oo dhammaantood ka soo sheekeyay Colaadihii lasoo maray iyo Horumarka iyo Nabadda Xiligaan la dareemayo.

Agaasimihii hore ee Wasaarada Gaashaandhigga Dowladda Fadaraalka Prof Sonkor Geyre oo ka mid ahaa Mas’uuliyiin ka socday Dowladda Fadaraalka ee kaalinta ka qaatay Nabadda, ayaa isna munaasabada ka hadlay. ” Waan idin kugu hambalyeynayaa guusha aad gaarteen,Ee nabada iyo horumarinta leh”.

Gudoomiye ku-xigeenka Gobalka Mudug ee Dhanka Horumarinta Mashariicda iyo Samafalka Dr Badal Liibaan Maxamed, ayaa gunaanadkii Munaasabada kula dardaamay inay ilaashadaan nabada ay heestaan.








Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geeriddii Sheekh Muuse Cadde 

Next Post

Wasiir Dowlaha Howlaha guud XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Howla guud ee Jaamacadda Carabta 

Next Post
Wasiir Dowlaha Howlaha guud XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Howla guud ee Jaamacadda Carabta 

Wasiir Dowlaha Howlaha guud XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Howla guud ee Jaamacadda Carabta 

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In