Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska maalinta Qaaxada oo Galkacyo lagu qabtay “Sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xuska maalinta Qaaxada oo Galkacyo lagu qabtay “Sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu maamusayay maalinta Qaaxada aduunka oo ay soo qaban qaabisay wasaarada caafimaadka dowladda fadaraalka Soomaaliya oo kaashaneeysa Hay”adda IMC iyo maamulka isbitaalka koofurta Galkacyo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Galkacyo.

Munaasabadaan oo ay ka qeyb galeen madaxweynaha Galmdug iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka Galmudug iyo boqalaal ruux oo ka kala socday xaafadaha magaalada Galkacyo ayaa waxaa ugu horeeyn ka hadlay Axmed kheyr macalin oo ka mid ah howl wadeenada caafimaad ee isbitaalka koofurta Galkacyo waxaana uu sharaxaad ka bixiyay ujeedka loo qabtay munaasabada iyo cidda soo agaasintay waxaana uu yiri “Munaasabadaan waxaa soo qaban qaabiyay  maamulka isbitaalka koofurta Galkacyo oo gacan ka helaya hay’adda IMC iyo wasaarada caafimaadka DFS ujeedka loo qabtayna waxay tahay maadaama ay maanta ku beegan tahay maalinta caalamku ay u aqoonsadeen maalinta TB ama Qaaxada in bulshada lagu baraarujiyo khatarta cudurkaas iyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo ama loo daweeyn kar.o

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Farxiyo Maxamed Ciise Madaxa Caafimaadka Hay’adda IMC ayaa waxa iyana ay halkaasi kasoo jeedisay casharo la xariira sida lagu garto astaamaha cudurka qaaxada isla markaana  lagu kala qaado sida uu ku  faafo  iyo sida ugu haboon ee looga feejignaan karo khatarta cudurka waxaa sidoo kale ay ka warbixisay sida bukaanka qaba cudurka  uu u qaadanayo daawada

Munaasabada oo intii ay socatay ay ka hadleen dhaqaatiir caafimaad iyo  masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa soo xiray madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed isagoona sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay bulshada in lagu wacyi galiyo ilaalinta caafimaadka.

“Caafimaadku waa wax muhiim ah dhamaanteena waxaa nalaga rabaa inaan ilaalino caafimaadka bulshada iyo nadaafada deegaanka waxaa sidoo kale laydinka rabaa inaad bulshada ku baraarujisaan faya dhowra deegaanka cudurka qaaxaduna waa cudur si fudud laysugu gudbiyo marka haddii awal dadka la karaantiili jiray maanta waa fududahay daawadaasi waxaana
haboon in bulshada lagu wacyi galiyo ineey tagaan xarumaha caafimaad” ayuu yiri Madaxweyne guuleed.
1 (1) 1 (3) 1 (5) 1 (10) 1 (13) 1 (18) 1 (7) 1 (8) 1 (13) 1 (18) 1 (19) A B C

Previous Post

Kulan looga hadlayay la dagaallanka argagixisada Shabaab oo lagu qabtay Gaalkacyo”Dhageyso+Sawirro”

Next Post

Galmudug oo sheegtay iney dileen in ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab

Next Post
Howlgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay Degmada Dhuusamareeb

Galmudug oo sheegtay iney dileen in ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In