Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska maalinta Qaaxada oo Galkacyo lagu qabtay “Sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xuska maalinta Qaaxada oo Galkacyo lagu qabtay “Sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu maamusayay maalinta Qaaxada aduunka oo ay soo qaban qaabisay wasaarada caafimaadka dowladda fadaraalka Soomaaliya oo kaashaneeysa Hay”adda IMC iyo maamulka isbitaalka koofurta Galkacyo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Galkacyo.

Munaasabadaan oo ay ka qeyb galeen madaxweynaha Galmdug iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka Galmudug iyo boqalaal ruux oo ka kala socday xaafadaha magaalada Galkacyo ayaa waxaa ugu horeeyn ka hadlay Axmed kheyr macalin oo ka mid ah howl wadeenada caafimaad ee isbitaalka koofurta Galkacyo waxaana uu sharaxaad ka bixiyay ujeedka loo qabtay munaasabada iyo cidda soo agaasintay waxaana uu yiri “Munaasabadaan waxaa soo qaban qaabiyay  maamulka isbitaalka koofurta Galkacyo oo gacan ka helaya hay’adda IMC iyo wasaarada caafimaadka DFS ujeedka loo qabtayna waxay tahay maadaama ay maanta ku beegan tahay maalinta caalamku ay u aqoonsadeen maalinta TB ama Qaaxada in bulshada lagu baraarujiyo khatarta cudurkaas iyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo ama loo daweeyn kar.o

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Farxiyo Maxamed Ciise Madaxa Caafimaadka Hay’adda IMC ayaa waxa iyana ay halkaasi kasoo jeedisay casharo la xariira sida lagu garto astaamaha cudurka qaaxada isla markaana  lagu kala qaado sida uu ku  faafo  iyo sida ugu haboon ee looga feejignaan karo khatarta cudurka waxaa sidoo kale ay ka warbixisay sida bukaanka qaba cudurka  uu u qaadanayo daawada

Munaasabada oo intii ay socatay ay ka hadleen dhaqaatiir caafimaad iyo  masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa soo xiray madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed isagoona sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay bulshada in lagu wacyi galiyo ilaalinta caafimaadka.

“Caafimaadku waa wax muhiim ah dhamaanteena waxaa nalaga rabaa inaan ilaalino caafimaadka bulshada iyo nadaafada deegaanka waxaa sidoo kale laydinka rabaa inaad bulshada ku baraarujisaan faya dhowra deegaanka cudurka qaaxaduna waa cudur si fudud laysugu gudbiyo marka haddii awal dadka la karaantiili jiray maanta waa fududahay daawadaasi waxaana
haboon in bulshada lagu wacyi galiyo ineey tagaan xarumaha caafimaad” ayuu yiri Madaxweyne guuleed.
1 (1) 1 (3) 1 (5) 1 (10) 1 (13) 1 (18) 1 (7) 1 (8) 1 (13) 1 (18) 1 (19) A B C

Previous Post

Kulan looga hadlayay la dagaallanka argagixisada Shabaab oo lagu qabtay Gaalkacyo”Dhageyso+Sawirro”

Next Post

Galmudug oo sheegtay iney dileen in ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab

Next Post
Howlgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay Degmada Dhuusamareeb

Galmudug oo sheegtay iney dileen in ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In