Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad looga hadlayay Istiraatiijiyadda kobaca dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Munaasabad looga hadlayay Istiraatiijiyadda kobaca dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo uu soo agaasimay Guddiga dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya ayaa diiradda lagu saarayay qorsheynta kobaca dhaqaalaha Soomaaliya 30-ka sano ee soo aadan, waxaana ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiir ku xigeenno, Agaasimayaal, hay’ado Cilmi baaris iyo qeybaha kaladuwan ee Bulshada.

Inta uu socday daah furkaan ayaa lagu gorfeeyay muhiimadda ay leedahay in la dajiyo qorshaha kobaca dhaqaalaha Soomaaliya 30-ka sano ee soo aadan si dalku uu u yeesho hiigsi iyo horumar dhaqaale oo dagsan.

Related posts

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka  Cali Ciise Cabdi ayaa sheegay in kulanka looga doodayay sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, loona dajin lahaa qorshe weyn oo dhaqaale.

“Sidii loo sameyn lahaa ummaduna u gaari laheyd himolooyinkooda kobcinta dhaqaalaha loona heli lahaa fikar mideysan oo lagu howl gali karo munaasabadahaan oo kale, waxaa looga hadlaa dariiqii la mari lahaa 5-ta sano ama sadexda sano ee soo socota laakiin tani waa ay ka duwan tahay waxaa laga hadlayaa waddadii horumarka dhaqaalaha loo mari lahaa 30-ka sano ee soo socota” ayuu yiri Cali Ciise Cabdi.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in diirada la saarayo sidii ilaha wax soo saarka dalka loo howl gallin lahaa si loo helo koboc dhaqaale

“Ahmiyadda iyo natiijada uu leeyahay kulankaan waan in diirada la saaro dhinaca wax soo saarka cuntada hadii ay noqon laheyd beeraha, kalluumeysiga ka faa’ideysiga khayraadka Dalka iyo sidii loola fal gali lahaa isbadalka Cimilada, waxaana rajeyneynaa in lagu soo daro dowladnimada iyo dib u heshiisiinta”.ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo teknoloojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdi Sheekh Axmed ayaa isna sharaxay waxyaabihii laga wada hadlay intii shirku socday waxa uuna yiri “Manuusabadaan waxa ay aheyd in la sameeyo istiraatiijiyad fog iyo sidii 30-ka sano ee soo socota dhaqaalaha Soomaaliya dib loogu soo kicin lahaa, waxyaabaha laga hadlayo waxaa ka mid ah sidee uga faa’ideysanaa badaan weyn ee aan leenahay, xoolaha iyo khayraadkeenna kale iyo sidii wadanka loogu raadin lahaa dhaqaale iyo maal gallin si aan ula jaan qaadno horumarka Dunida ay sameeneyso”.

 

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka jawaabtay Cabashadda Macalimiintii saxay Imtixaanka dowlada

Next Post

Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Isbedelka Koboca Dhaqaalaha “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Isbedelka Koboca Dhaqaalaha “SAWIRRO”

Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Isbedelka Koboca Dhaqaalaha "SAWIRRO"

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In