Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabadda xuska calanka oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabadda xuska calanka oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaliyaha, Ra’isul wasaaraha dalka, gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Soomaliya, Saraakisha Ciidamada qalabka sida ee qaranka, gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho, Fanaanin,  iyo dadweyne aad u tira badan ayaa ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Aqalka dowlada hoose ee Xamar oo lagu maamusaye 61 sana guuradii kasoo wareegatay xiligii la sameeyay calanka Jamuuriyada Soomaaliya oo uu hindisay Allaha unaxariisto Maxamed Cawaale liiban.

Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa  ka qeyb qaadanayay kooxda Fanaaninta qaranka ee howalada waabari iyagoo halkaasi ku soo bandhigay suugaan ka turjamaysa maalintan qiimaha weyn,

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Wasiirka Wasaarada warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi xayir “Maareeye” ayaa dadka Soomaaliyed kula dardaarmay in loo baahan yahay midnimada ummadda Soomaaliyeed isla markaana laga fogaado khilaafaadka si horumar loo gaaro.

Ra’isul Wasaaraha Dalka mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaa uu munaasabada ka sheegay in halgan badan loo soo maray calankan maanta xuskiisa la jooga.

“Calanka waxa loo sameeyay Jamhuuriyadda kaligeed ma aheyn ee waa qowmiyad Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa lagu mideysan yahay waa calankaas” ayuu yiri Ra’iisulwasaraha.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan (Jawaari) oo hadal kooban munaasbada ka jeediyay ayaa shacabka Soomaaliyed ku bogaadiyay in la isku baraarujiyo ahmiyada uu calanka leeyahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamud oo munaasabada soo xiray waxa uu umada Soomaaliyed u sheegay in aysan waxba ka jirin hadalada dhawaan lagu daabacayay qaar kamid ah baraha internedka oo lagu sheegayay in astaamaha calanka ee wax laga bedeley.

“Waa kutiro ku teen aam sal iyo raad la heyn oo loogu talagalay ummadda in lagu jahwareeriyo, calanka Soomaaliya waa kii la taagay 26kii Juun sanadkii 1960.” Ayuu yiri madaxweynaha.

61 Sano ka hor 1954 ayaa Allaha u naxariisto Maxamed Cawaale Liibaan ayaa sameeyay Calanka ay haatan ku mideysan yihiin Umada Soomaaliyed iyadoo sanad kaste 12 October gudaha dalka iyo dibada lagu qabto munaasabada loogu dabaal dagaayo calanka jamhuuriyada Soomaaliya.

IB0A0853 IB0A0857 IB0A0865 IB0A0876 IB0A0886 IB0A0844 IB0A0831 IB0A0822 IB0A0816 IB0A0815 IB0A0794 IB0A0712 IB0A0715 IB0A0716 IB0A0726 IB0A0736 IB0A0747 IB0A0711 IB0A0706 IB0A0699 IB0A0697 IB0A0686 IB0A0673 IB0A0593 IB0A0638 IB0A0649 IB0A0651 IB0A0665 IB0A0582 IB0A0649

Sawir Qaade: Ilyaas

Previous Post

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo Casho Sharaf u sameysay Xildhibaanno “Sawirro”

Next Post

Jaamacad cusub oo Muqdisho laga furey-Sawirro

Next Post
Jaamacad cusub oo Muqdisho laga furey-Sawirro

Jaamacad cusub oo Muqdisho laga furey-Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In