Monday, May 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabadda xuska calanka oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

caqiil by caqiil
October 12, 2015
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabadda xuska calanka oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaliyaha, Ra’isul wasaaraha dalka, gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Soomaliya, Saraakisha Ciidamada qalabka sida ee qaranka, gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho, Fanaanin,  iyo dadweyne aad u tira badan ayaa ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Aqalka dowlada hoose ee Xamar oo lagu maamusaye 61 sana guuradii kasoo wareegatay xiligii la sameeyay calanka Jamuuriyada Soomaaliya oo uu hindisay Allaha unaxariisto Maxamed Cawaale liiban.

Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa  ka qeyb qaadanayay kooxda Fanaaninta qaranka ee howalada waabari iyagoo halkaasi ku soo bandhigay suugaan ka turjamaysa maalintan qiimaha weyn,

Related posts

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025

Wasiirka Wasaarada warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi xayir “Maareeye” ayaa dadka Soomaaliyed kula dardaarmay in loo baahan yahay midnimada ummadda Soomaaliyeed isla markaana laga fogaado khilaafaadka si horumar loo gaaro.

Ra’isul Wasaaraha Dalka mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaa uu munaasabada ka sheegay in halgan badan loo soo maray calankan maanta xuskiisa la jooga.

“Calanka waxa loo sameeyay Jamhuuriyadda kaligeed ma aheyn ee waa qowmiyad Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa lagu mideysan yahay waa calankaas” ayuu yiri Ra’iisulwasaraha.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan (Jawaari) oo hadal kooban munaasbada ka jeediyay ayaa shacabka Soomaaliyed ku bogaadiyay in la isku baraarujiyo ahmiyada uu calanka leeyahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamud oo munaasabada soo xiray waxa uu umada Soomaaliyed u sheegay in aysan waxba ka jirin hadalada dhawaan lagu daabacayay qaar kamid ah baraha internedka oo lagu sheegayay in astaamaha calanka ee wax laga bedeley.

“Waa kutiro ku teen aam sal iyo raad la heyn oo loogu talagalay ummadda in lagu jahwareeriyo, calanka Soomaaliya waa kii la taagay 26kii Juun sanadkii 1960.” Ayuu yiri madaxweynaha.

61 Sano ka hor 1954 ayaa Allaha u naxariisto Maxamed Cawaale Liibaan ayaa sameeyay Calanka ay haatan ku mideysan yihiin Umada Soomaaliyed iyadoo sanad kaste 12 October gudaha dalka iyo dibada lagu qabto munaasabada loogu dabaal dagaayo calanka jamhuuriyada Soomaaliya.

IB0A0853 IB0A0857 IB0A0865 IB0A0876 IB0A0886 IB0A0844 IB0A0831 IB0A0822 IB0A0816 IB0A0815 IB0A0794 IB0A0712 IB0A0715 IB0A0716 IB0A0726 IB0A0736 IB0A0747 IB0A0711 IB0A0706 IB0A0699 IB0A0697 IB0A0686 IB0A0673 IB0A0593 IB0A0638 IB0A0649 IB0A0651 IB0A0665 IB0A0582 IB0A0649

Sawir Qaade: Ilyaas

Previous Post

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo Casho Sharaf u sameysay Xildhibaanno “Sawirro”

Next Post

Jaamacad cusub oo Muqdisho laga furey-Sawirro

Next Post
Jaamacad cusub oo Muqdisho laga furey-Sawirro

Jaamacad cusub oo Muqdisho laga furey-Sawirro

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In