Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabadda Caleema saarka Madaxda Galmudug oo dib loo dhigay

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Munaasabadda Caleema saarka Madaxda Galmudug oo dib loo dhigay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Qaban qaabada Munaasabadda Caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku Xigeenkiisa ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in dib loo dhigey Munaasabadda sababo la xiriira xaalada dalka kusoo korortay ee Cudurka Cornavirus.

Munaasabadda Caleem-saarka ayaa Guddiga waxaa ay horey u iclaamiyeen in la qabto 26-ka Bishaan,hayeeshee dib loo dhigey sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada  Yuusuf Garaad Cumar.

Related posts

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025

“Guddiga Qaban qaabada caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku Xigeenkiisu ka dib markii uu qiimeeyay xaaladda uu dalku galay, dulinka Korona oo soo gaaray awgiis, wadatashina la sameeyay Madaxtooyada Galmudug, wuxuu go’aansaday in dib loo dhigo munaasabadda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Sidoo kale Yuusuf Garaad ayaa cadeeyey sababaha ugu weyn ay dib u dhigista Xafladda,waxaana uu sheegay in ay qeyb ka tahay joojinta dowladda ee duulimaadyadda Caalamiga ah maadaama Munaasadda la filayo inay ka qeyb galaan wufuud Caalami ah iyo marti sharaf kale.

“Guddigu wuxuu garawsaday baahida loo qabo in maskax, muruq iyo maalba la isugu geeyo ka hortagga faafidda dulinka Korona iyo daryeelka dadka qaada cudurka ka dhasha ee Covid-19. Caleema saarka waxaa la qaban doonaa xilli ku habboon kaas oo uu Guddigu la wadaagi doono Dadweynaha xilli gudboon”ayuu yiri guddoomiyaha guddiga Yuusuf Garaad.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada in muddo gaaban gudaheed Madaxtooyada Galmudug ay faahfaahin rasmi ah ka bixin doonto howlaha ay Madaxtooyada iyo Baarlamaanku ku dhaqaaqi doonaan maalmaha iyo toddobaadyada foodda nagu soo haya.

Previous Post

Wasiirka Dastuurka XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Talaabooyinka Dowladda Soomaaliya u qaaday la tacaalida COVID19 (Aqriso)

Next Post
Dowladda FS oo lagu ammaanay sida ay uga go’antahay ka gun-gaaridda qorshaha deyn cafinta

Talaabooyinka Dowladda Soomaaliya u qaaday la tacaalida COVID19 (Aqriso)

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

December 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In