Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabadda Caleema saarka Madaxda Galmudug oo dib loo dhigay

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Munaasabadda Caleema saarka Madaxda Galmudug oo dib loo dhigay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Qaban qaabada Munaasabadda Caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku Xigeenkiisa ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in dib loo dhigey Munaasabadda sababo la xiriira xaalada dalka kusoo korortay ee Cudurka Cornavirus.

Munaasabadda Caleem-saarka ayaa Guddiga waxaa ay horey u iclaamiyeen in la qabto 26-ka Bishaan,hayeeshee dib loo dhigey sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada  Yuusuf Garaad Cumar.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

“Guddiga Qaban qaabada caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku Xigeenkiisu ka dib markii uu qiimeeyay xaaladda uu dalku galay, dulinka Korona oo soo gaaray awgiis, wadatashina la sameeyay Madaxtooyada Galmudug, wuxuu go’aansaday in dib loo dhigo munaasabadda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Sidoo kale Yuusuf Garaad ayaa cadeeyey sababaha ugu weyn ay dib u dhigista Xafladda,waxaana uu sheegay in ay qeyb ka tahay joojinta dowladda ee duulimaadyadda Caalamiga ah maadaama Munaasadda la filayo inay ka qeyb galaan wufuud Caalami ah iyo marti sharaf kale.

“Guddigu wuxuu garawsaday baahida loo qabo in maskax, muruq iyo maalba la isugu geeyo ka hortagga faafidda dulinka Korona iyo daryeelka dadka qaada cudurka ka dhasha ee Covid-19. Caleema saarka waxaa la qaban doonaa xilli ku habboon kaas oo uu Guddigu la wadaagi doono Dadweynaha xilli gudboon”ayuu yiri guddoomiyaha guddiga Yuusuf Garaad.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada in muddo gaaban gudaheed Madaxtooyada Galmudug ay faahfaahin rasmi ah ka bixin doonto howlaha ay Madaxtooyada iyo Baarlamaanku ku dhaqaaqi doonaan maalmaha iyo toddobaadyada foodda nagu soo haya.

Previous Post

Wasiirka Dastuurka XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Talaabooyinka Dowladda Soomaaliya u qaaday la tacaalida COVID19 (Aqriso)

Next Post
Dowladda FS oo lagu ammaanay sida ay uga go’antahay ka gun-gaaridda qorshaha deyn cafinta

Talaabooyinka Dowladda Soomaaliya u qaaday la tacaalida COVID19 (Aqriso)

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In