Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munasabad lagu soo dhaweynayay Wasiiro iyo Xildhibano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo Lagu Qabtay Nairobi “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Munasabad lagu soo dhaweynayay Wasiiro iyo Xildhibano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo Lagu Qabtay Nairobi “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadani oo ay soo qaban qaabiyeen Qeybaha kala duwan ee Bulshada koonfur galbeed ee ku dhaqan dalkani kenya ayaa waxa ay isugu jirtay soo dhaweynta wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya iyo dhaqaale aruurinta TV iyo idaacad uu yeelanayo Maamulkaasi.

Munasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska xukuumada Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Beekos Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa xildhibaan Ibraahim Isaaq yarow,wasiirka warfaqafinta iyo wacyi gelinta ee maamulka koonfur galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed Xubno ka socday gudiga ganacsatada Xaafada islii.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Ugu horeyn waxaa Munaasabada ka hadlay Cabdulbari Shiikh Cabdi Salaan oo ah gudoomiyaha Jaaliyada koonfur galbeed ee dalkani Kenya ayaa u mahad celiyay ka qeyb galayaasha munaasabada,isagoo sheegay in munaasabadu ay tahay soo dhaweynta wasiiro ka tirsan maamulka konfur galbeed Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta ee koonfur galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo isna ka warbixiyay hirgelinta TV-ga iyo idaacada loo sameynayo Koonfur galbeed ayaa waxa uu u mahad celiyay wasaarada warfaafinta Soomaaliya oo dhaqaalihii ugu horeeyay ugu Deeqday Warbaahinta la doonayo in laga hir galiyo koonfur galbeed.

“Waxaan rabaa inan u mahadceliyo wasarada warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiisa xukuumada Soomaaliya oo bixisay dhaqalihii ugu horeeyay markii la dhagax dhigay Xarunta TV-ga iyo idaacada”Ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Konfur Galbeed.

Micnaha ay u bixiyeena waa inay ku daydaan bulshada reer koonfur galbeed dhistaan deegaanadooda,Waxaana rabaa inan u mahad celiyo wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi xayir maareeye iyo ku xigeenadiisa iyo dhamanba shaqaalaha waaaradiisa”Ayuu sii raaciyay Wasiirka Warfaafinta Konfur Galbeed.

Munasabada ayaa waxaa sidoo kale Khudbad ka jeediyay Xildhibaan Ibraahim Isxaaq Yarow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya,Waxana uu yiri “Bulshada koonfur galbeed meel walbo ay joogaan waa inay awoodooda mideyaan si aan dhibaatada uga baxno oo aad garab istaagtaan maamulka, tan soomaaliyana aad qeybtiina ka qaadataan,Soomaaliya oo dhan ayaa dhisma naga sugeyso oo aan ka shaqeyno sidii jamhuuriyadda cagaheeda isugu taagi lahayd oo cadowga looga xoreyn lahaa si aan u gaarnana waa in ay gacmaha is-qabsadaan ummadda Soomaaliyeed”

Wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Beekos oo gaba gabadii munaasabada ka hadlay ayaa waxa uu si kooban uga hadlay qorshaha wasaarada ee hirgelinta Warbaahinta Maamulada ka jira Dalka.

“Wasaarada warfaafinta koonfur galbeed iyo maamul gobaleedyada kale anaga ayaa mideynayno,wasiirka wuu nagala qeyb galay markii la qorayay shuruucda warbaahinta,tan shanta sanana maamul gobaleedyada dhan ayaa nagala qeyb galay,sharci walbo oo uu qaranku leeyahayna dhammaan inta uu qaranka ka kooxabn yahay wey ka qeyb qaadan doonaan”Ayuu yiri wasiiru dowlada Warfaafinta xukuumada Soomaaliya.

β€œWaxaa jira qalab TV-yo iyo idaacado caalamka aan ka sugeyno hadii ay na soo gaaraana wixii koonfur galbood ku soo aado waxan diyaar u nahay in aan ku wareejino wasaarada warfaafinta idinkana waxaa la idinkaga baahan yahay in aad dadaashan inta laga helayo qalabkaas”Ayuu sii raaciyay wasiiru dowlada warfaafinta ee xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wasiirka Warfaafinta iyo wacyi galinta ee maamulka konfur galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa bishii hore dhagax dhigay xarunta laga sameynayo TV-ga iyo idaacada Maamulkaasi.

IMG_4404 IMG_4407 IMG_4413 IMG_4421 IMG_4422 IMG_4423 IMG_4424 IMG_4427 IMG_4434 IMG_4438 IMG_4441 IMG_4445 IMG_4446 IMG_4457 IMG_4462 IMG_4463

Sawir Qaade:-Cabdulkadir Cali Xuseen Koronto

Previous Post

Duqa Magaalada Muqdisho Oo Kafaala Qaaday Baxnaano Caafimaad Oo Loo Sameynayo Hooyo Soomaaliyeed

Next Post

Danjiraha Soomaaliya ee Cuman oo booqday Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaasi+Sawirro

Next Post
Danjiraha Soomaaliya ee Cuman oo booqday Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaasi+Sawirro

Danjiraha Soomaaliya ee Cuman oo booqday Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaasi+Sawirro

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In