Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MUQDISHO: Kaalinta qurbo-joogta ee dib-udhiska dalka oo laga hadlay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
MUQDISHO: Kaalinta qurbo-joogta ee dib-udhiska dalka oo laga hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga hadlayay dowrka ay qurbo joogta Soomaaliyeed uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta iyo dib-u-dhiska caasimadda ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta, Wasiirka amniga, guddoomiyaha gobolka iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay kulankaan oo ay sidoo kale ku sugnaayeen qaar kamid ah dadka dibadda ka yimid oo howlo kala duwan ka haya magaalada.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay soo kabanayso, isla markaana ay u baahan tahay in dadka Soomaaliyeed ay dhistaan oo aan lagu tiirsanaan kaliya kaalmo ka timaada caalamka.

Wuxuu sheegay in sanadka soo socdo uu maamulku doonayo in la dhiso waddada Wadnaha, mashruucaas ayuu sheegay in looga baahan yahay qurbo joogta iyo dadka wax haysta inay ka qeyb qaataan fulintiisa.

Wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka, mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in cilmiga, maalka iyo maskaxda qurbo joogta Soomaaliyeed loo baahan yahay inay dalka ku soo celiyaan, oo ay ka qeyb qaataan horumarintiisa.

Sidoo kale Wasiirka amniga gudaha, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in siyaabaha la isu waafajin karo horumarinta iyo ammaanka ay qeyb ka tahay in dadka shaqo loo abuuro isla markaana la hirgaliyo mashruuca derisaynta si ay ciidamada ammaanka iyo dadku isugu xirmaan.

Qurbo joogta Soomaaliyeed ayaa maalgelin ka sameynaya magaalada Muqdisho, ayagoo ganacsi cusub iyo adeegyo kale ka hirgeliyay magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

Previous Post

Jaamacadda Umadda iyo VUT oo ku taalla Koofur Afrika oo iskaashi waxbarasho yeelanaya-SAWIRRO

Next Post

Sharci mamnuucaya Gudniinka Fircooniga ah oo la qorsheynayo

Next Post
Shir looga hadlayo joojinta gudniinka Fircooniga oo Muqdisho ka furmay

Sharci mamnuucaya Gudniinka Fircooniga ah oo la qorsheynayo

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In