Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Murashax Madaxweyne Maxamed Siiriin oo soo dhaweeyay War-murtiyeedkii ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Murashax Madaxweyne Maxamed Siiriin oo soo dhaweeyay War-murtiyeedkii ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Murashax Madaxweyne Maxamed Cabdiraxmaan Cali Siiriin oo ka mid ah murashixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee dalka, isla markaana wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa ka hadlay war-murtiyeedkii ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Cali Siiriin ayaa xusay in qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu qeexayay sida dastuurka qabo in xilliga kala guurka ay mas’uuliyadda Xukuumaddu leedahay oo ay dalka gaarsiineyso inta laga soo dooranayo hogaanka cusub ee dalka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Anigu waxaan taageeray bayaanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaameyay in marka la gaaro xilliga kala guurka ay mas’uuliyaddu leedahay Xukuumadda”. Ayuu yiri Siiriin.

Murashax Madaxweyne Maxamed Cabdiraxmaan Cali Siiriin ayaa tilmaamay in hanaanka ay ku bilaabatay doorashada ay tahay mid hagaagsan oo uu soo dhaweynayo, isagoo xusay in ay jirto xoogaa dib u dhac ah oo ku aadan jadwalka doorashada, balse uu ku faraxsanyahay in la guda galay doorashada oo dowlad goboleedyada qaar ay ka qabsoomeen doorashada Aqalka Sare.

“Seneatorada la doortay waa 9 xubnood oo ka mid ah 54-ta xubnood ee uu Aqalka Sare ka koobanyahay, waana talaabo wanaagsan oo bilow ah, waxaana ku rajo weynahay in marka uu soo dhameytirmo ay mudnaanta siin doonaan maslaxadda dalka iyo dadkaba”. Ayuu yiri Musharax Maxamed Siiriin.

Musharaxa mar uu ka hadlayay arrimaha ku saabsan ololaha doorashadiisa ayaa hoosta ka xariiqay inay soo socdeen muddadii labada sano ee la soo dhaafay, haatanna waxa uu ku rajo weynyahay in marka ay soo idlaato guud ahaan doorashada Xildhibaannada uu dar dargelin doono ololahiisa doorashada.

Previous Post

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo Muqdisho ka daahfurtay Aqaan is-weydaarsi ku saabsan Istaraatijiyadda Xalka Waara “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Diinta “Isticmaalka Daroogada ayaa ku soo badanaya dalka, waana in arrintaas laga hortago” SAWIRRO

Next Post
Wasiirka Diinta “Isticmaalka Daroogada ayaa ku soo badanaya dalka, waana in arrintaas laga hortago” SAWIRRO

Wasiirka Diinta "Isticmaalka Daroogada ayaa ku soo badanaya dalka, waana in arrintaas laga hortago” SAWIRRO

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In