Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa hambalyo u diray shanta Senator ee laga soo doortay Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana uu bogaadiyay hanaanka ay guddiga doorashada wax u wadaan.
โWaxaan hambalyo u dirayaa Senator Zamzam Ibraahim Cali, Ayaan Aadan Cabdilaahi, Aadan Cabdinaasir Maxamad, Maxamuud Maxamad Cabdinuur iyo Dr Xuseen Maxamad Daahir oo loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Waxaan kaloo bogaadinayaa hoggaanka Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo xil iska saaray qoondada haweenka. Waxaan u rajaynayaa Xildhibaannada cusub in Alle la garab galo masโuuliyadooda, kana yeelo kuwii damiirkoodu uu ku hago danta Qarankaโ. Ayuu yiri Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur.












