Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Ku Xirneyd Dalka Tanzania Oo Dib Loogu Soo Celiyay Dalkooda Hooyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Muwaadin Soomaaliyeed Oo Ku Xirneyd Dalka Tanzania Oo Dib Loogu Soo Celiyay Dalkooda Hooyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadka la soo celiyay oo u badan dhalinyaro da’doodu ka hooseeyso 40-ka ayaad ka dareemaysay farxad markii ay cagaha soo dhigeen dalka, iyagoo ku faraxsan xabsiyada laga soo daayay ee dalka Tanzania halkaasoo ay Safaaradda Soomaaliya iyo Jaaliyaddaba ay u istageen soo deyntooda, laguna soo celiyay dalkooda hooyo.

Qaar ka mid ah maxaabiista oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiintii u istaagay in ay xorriyadooda dib u helaan, iyagoo xusay inay dhibaato ku qabeen xabsiyada dalka Tanzania.

Related posts

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya u Jooga dalka Tanzania Marwo Fardowso Maxamed Qanyare oo ka ah madaxda Safaaradda ee keenay Maxaabiista ayaa u mahadcelisay Safiirka, Jaaliyadda Soomaaliyeed, Hay’adda IOM iyo madaxda Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dadaal badan gelisay soo deysmada Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo Maxaabiis ahaan ugu xirnaa dalka Tanzania.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane, Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay dadka la soo celiyay ayaa uga mahadceliyay, Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, gaar ahaan Qunsul Fardowsa Maxamed Qanyare iyo hay’adda IOM, Isaac Munyae, Iyo Ambassador Maryan Yasin oo ah Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo ka qeybqaatay dadaalka wadareedka dhinacyada badan isagu jira si loo daayo maxaabiista Soomaaliyeed ee dibadaha ku xiran.

Maamulaha Hay’adda IOM ee  Illaalinta iyo Caawimaadda Muhaajiriinta Sir Isaac Munyae oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay qorsheynayaan Howlqabad gudaha ah oo wax looga qabanayo muhaajiriinta soo guryo noqday..

Waxay ahayd labiadii bishan  August ee 2020 markii ay Dowladda Soomaaliya oo gacan la helaysa Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Carruurta iyo Muhaajiriinta ee Ambassador Mariam iyo Xafiiska IOM ay soo daayeen maxaabiis ku xirnaa dalka Iiraan.

Previous Post

Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare BFS Oo Soo Saaray Baaq Ku Aadan Shirka Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay  Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In