Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Ku Xirneyd Dalka Tanzania Oo Dib Loogu Soo Celiyay Dalkooda Hooyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Muwaadin Soomaaliyeed Oo Ku Xirneyd Dalka Tanzania Oo Dib Loogu Soo Celiyay Dalkooda Hooyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadka la soo celiyay oo u badan dhalinyaro da’doodu ka hooseeyso 40-ka ayaad ka dareemaysay farxad markii ay cagaha soo dhigeen dalka, iyagoo ku faraxsan xabsiyada laga soo daayay ee dalka Tanzania halkaasoo ay Safaaradda Soomaaliya iyo Jaaliyaddaba ay u istageen soo deyntooda, laguna soo celiyay dalkooda hooyo.

Qaar ka mid ah maxaabiista oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiintii u istaagay in ay xorriyadooda dib u helaan, iyagoo xusay inay dhibaato ku qabeen xabsiyada dalka Tanzania.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya u Jooga dalka Tanzania Marwo Fardowso Maxamed Qanyare oo ka ah madaxda Safaaradda ee keenay Maxaabiista ayaa u mahadcelisay Safiirka, Jaaliyadda Soomaaliyeed, Hay’adda IOM iyo madaxda Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dadaal badan gelisay soo deysmada Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo Maxaabiis ahaan ugu xirnaa dalka Tanzania.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane, Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay dadka la soo celiyay ayaa uga mahadceliyay, Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, gaar ahaan Qunsul Fardowsa Maxamed Qanyare iyo hay’adda IOM, Isaac Munyae, Iyo Ambassador Maryan Yasin oo ah Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo ka qeybqaatay dadaalka wadareedka dhinacyada badan isagu jira si loo daayo maxaabiista Soomaaliyeed ee dibadaha ku xiran.

Maamulaha Hay’adda IOM ee  Illaalinta iyo Caawimaadda Muhaajiriinta Sir Isaac Munyae oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay qorsheynayaan Howlqabad gudaha ah oo wax looga qabanayo muhaajiriinta soo guryo noqday..

Waxay ahayd labiadii bishan  August ee 2020 markii ay Dowladda Soomaaliya oo gacan la helaysa Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Carruurta iyo Muhaajiriinta ee Ambassador Mariam iyo Xafiiska IOM ay soo daayeen maxaabiis ku xirnaa dalka Iiraan.

 

Previous Post

Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare BFS Oo Soo Saaray Baaq Ku Aadan Shirka Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In