Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan loogu xiray Itoobiya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan loogu xiray Itoobiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka laga helayo magaalada Addis Ababa ayaa waxay xaqiijinayaan in sirdoonka Ethiopia ee ku daadsan xaafadda Soomaalidu degto ee Bole Mechael ay labadii maalmood ee u danbeeyey si sharci darro ah u qafaasheen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku qaxweynayay makhaayadaha Bole, kuwaas oo ka sheekaysanayey damaca indho la’aanta ah ee Ethiopia ku doonayso inay ku hesho qayb kamid ah badda Soomaaliya ayna ku kala qaybinayso bulshada Soomaaliyeed.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la xiray ayaa gaaraya todoba qof (7 qof) oo kasoo jeeda Mogadishu, Jigjiga, Hargeisa, Garowe, Kismaayo, Dhuusamareeb iyo Baydhabo ee dalkaleena Soomaaliya, waxaana dhamaantood lagu beegsaday aragtidooda la xiriirta in aysan aqbali doonin damaca qaawan ee Ethiopia, lamana yaqaan meesha la geeyey ama lagu xiray muwaadiniintan Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Docda kale, caawa abaare 07:30pm fiidnimo ayaa dad u dhashay Ethiopia waxay si bareer ah u dhibaateeyeen oo sharafteeda ugu xad gudbeen gabar Soomaaliyeed oo dukaamaysi u tagtay xaafadda Bole, waxaana arrintaasi markii danbe ka dhashay in bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Bole ay ku qanci waayeen dhibaatada dadka Soomaaliyeeed loogu gaysanayo Addis Ababa, kadibna waxaa soo degdegay isku dhac dhex maray bulshada Soomaaliyeed iyo ku Ethipianka ah.

Laamaha amniga Addis Ababa gaar ahaan Police-ka ayaa dhacdadan kadib yimi Bole, iyagoo si bareer ah u beegsaday oo u xirxiray dadkii Soomaaaliyeed ee difaacayay sharaftooda mana jiro qof Ethiopian ah oo ka qayb qaatay isku dhacan oo ay booliska Ethiopia xireen.

Previous Post

Golaha amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika oo taageeray Soomaaliya

Next Post

Jaamacadda Carabta oo taageertay go’aankii dowladda ka dhanka ahaa xadgudubka Itoobiya

Next Post
Jaamacadda Carabta oo taageertay go’aankii dowladda ka dhanka ahaa xadgudubka Itoobiya

Jaamacadda Carabta oo taageertay go'aankii dowladda ka dhanka ahaa xadgudubka Itoobiya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In