Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Naadiga dowladda Hoose ee Xamar oo kulan dhiiri gelin ah loo sameeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Naadiga dowladda Hoose ee Xamar oo kulan dhiiri gelin ah loo sameeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa munaasabad lagu dhiiri gelinayay Naadiga Muqdisho City ee Dowladda Hoose ugu sameeyay magaalada Muqdisho.

Munaasbadda oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir, cayaartooy, Macalimiin iyo marti sharaf kale ayaa diiradda lagu saaray sidii dhaqaale loogu bixin lahaa horumarinta isboortiga dalka.

Related posts

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026

Guddoomiyaha Naadiga Muqdisho City Abuukar Maxamed Sheekh ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay kaalimaha hore uga geli lahaayeen Horyaalka kubadda cagta Soomaaliya, isagoo ka codsaday shirkadaha ka howlgalla dalka ay maalgeshi ku sameystaan kooxaha ka dhisan dalkeena.

“Ujeedka sanadkan waxa ay tahay in meesha aan taaganahay aan ka sii horumarno, oo aan ku guuleysano horyaalka Dalka ama aan hiigsano kaalimaha hore ee horyaalka” ayuu yiri Guddoomiyaha Naadiga Muqdisho City.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in Maamulka Goboka Banaadir looga baahanyahay in uu xoogga saaro sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa garoonka Naadiga Muqdisho, si ay u helaan adeegyada cayaartooyda u baahantahay.

“Fariinteena waxa ay tahay in maamulka gobolka uu ka qeyb qaato dib u dayactirka garoonka Naadiga Muqdisho iyo garoomada kale ee lagu horumarin karo isboortiga dalka, anaguna dhankeena ayaan garab istaageen dib u habeynta garoomada kubadda cagta”ayuu yiri Cabdiqani Saciid Carab.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa sheegtay inay garab istaagayaan horumarinta isboortiga dalka, iyadoo cayaartooyda Naadiga dowladda Hoose ee Xamar ka dalbatay inay dhankooda xoojiyaan kulamada ay cayaarayaan.

“Waan idin garab taaganahay, cid waliba ayaa idin taageerayo waayo gobolka Banaadir ayaad ka tirsantihin, idinkuna waxaa la idinka rabaa inaad dadaalkiina muujisaan ee ah horumarka dhanka isboortiga”ayay tiri Basma.

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeysay Geeriga Axmadeey Abuubakar Al-Camaari

Next Post

Maamulka Degmada Heliwaa oo siminaar u qabtay Guddoomiye laameedyada degmada “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Degmada Heliwaa oo siminaar u qabtay Guddoomiye laameedyada degmada “SAWIRRO”

Maamulka Degmada Heliwaa oo siminaar u qabtay Guddoomiye laameedyada degmada “SAWIRRO”

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026
0

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, oo ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryam Qasim Axmed, ayaa...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad Qeybta 1aad Kumaan Dooska GorGor ayaa howlgalo Amni Xaqiijin iyo sifeyn...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In