Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nabad ka bidhaantay Janaale ka dib Jabkii Cadow Al-Shabaab+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Nabad ka bidhaantay Janaale ka dib Jabkii Cadow Al-Shabaab+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa xariga ka jaray dhismo cusub oo uu ku shaqeyn doono maamulka deegaanka Janaale ee gobolkaas.

Xaruntan oo si casri ah loo dhisay ayaa waxaa loogu adeegi doonaa Shacabka deegaanka Jannaale oo ka soo kabanaya dhibaatadii nololeed ee Al-Shabaab mudadii ay halkaas joogeen kala kulmeen.

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose C/llaahi Waafow oo sheegay in nolosha shacabka deegaanka Janaale ay dib u soo noqotay,islamarkaana loo baahan yahay in ay ilaashadaan xaruntan casriga ah ee adeega dadweynaha qeyb muhiim ah ka qaadan doonta.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa tilmaamay in maamulka gobolka qorshihiisa koowaad uu yahay dib-u-dhiska xarumaha muhiimka ah u ah bulshada iyo soo nooleynta adeegyada dadweyne,wuxuuna shacabka ku dhaqan deegaanka Jannaale ku ammaanay dowrka ay ka qaateen nabadda.

“ Jannaale waa deegaan aad u balaaran, Soomaaliya waxay u ahaan jirtay Dowladdii dhexe meesha canshuurta laga qaado, Soomaaliya waa Beeraley marka lagu leeyahay waa Jannaale iyo inta soo raacda,meeshan waa meeshii madaxweynayaasha lagu soo dhoweyn jiray,” ayuu yiri Guddoomiye Siidii.

Guddoomiye Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa madaxweyne Farmaajo ka rajeeyay inuu soo booqdo deegaanka Jannaale oo hadda shacabkeeda ku naaloonayaan nabad iyo xasilooni Alle ka sokow mas’uul uu ka yahay in cadowga laga dul qaado shacabka deegaanka madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa Al-Shabaab ka xoreeyay deegaanka Jannaale oo muddo sanado ay ku gumaado jireen dadka shacabka ah una diideen in ay helaan nolosha asaasiga ah ee ay Shacabka u baahan yihiin.

Previous Post

Ciidamada Puntland oo howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka fuliyay gobolka Bari+Sawirro

Next Post

Saraakiil ciidan oo gaaray magaalada Jowhar

Next Post
Saraakiil ciidan oo gaaray magaalada Jowhar

Saraakiil ciidan oo gaaray magaalada Jowhar

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

March 23, 2026
0

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo lagu qaybiyay deegaanno hoostaga degmada Guriceel ee gobolka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In