Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nairobi Oo Lagu Qabtay Kulan Lagu Soo Bandhigay Dhaqanka Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Nairobi Oo Lagu Qabtay Kulan Lagu Soo Bandhigay Dhaqanka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu qabtay barnaamij lagu soo bandhigayay Dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Aqoonyahano,iyo marti sharaf kale, waxaana barnaamijkaasi soo qaban qaabiyay Ururka Midowga Yurub.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaannada Soomaaliyeed islamarkaana kulankaasi lagu soo bandhigayay Dhaqanka ka qeyb galay ayaa warbaahinta ugu waramay, isagoo sheegay in barnaamijkaasi uu ahmiyad gaar ah u lahaa dadka Soomaaliyeed sarena loogu qaaday dhaqanka Soomaaliyeed.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026

Xildhibaan Dalxa ayaa waxa uu sheegay intii uu socday soo bandhigida dhaqanka Soomaaliyeed in lagu soo bandhigay dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah, oo uu tilmaamay in uu yahay kan isku keenaya Dadka Soomaaliyeed.

“Shirkani waxaa uu ahaa mid looga hadlayay kor u qaadida dhaqanka Soomaaliyeed Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeyee Khudbad uu kaga hadlayo dhaqanka Soomaaliyeed uu ka jeediyay, Qoraaga Soomaaliyeed Nuur-Diin Faarax oo isna ka qeyb galay shirka ayaa faah faahin ka bixiyay Dhaqanka Soomaaliyeed fikrado dhaqanka ku saabsana ka jeediyay madasha” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u horumarin laheyd dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana gobolada Banaadir, Shabeelaha dhexe,  iyo Shabeelaha hoose ka bilowday barnaamijyo dhaqanka Soomaaliyeed lagu xoojinayo mudo 3 bilood ah taasi oo wax badan ka badali doonta fahamka dhaqanka Soomaaliyeed ee Jiilka Soo Koraya.

 

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka Maanta ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo Ra’iisul Wasaaraha Britain ugu hambalyeeyay guusha doorashada

Next Post
Madaxweynaha oo Ra’iisul Wasaaraha Britain ugu hambalyeeyay guusha doorashada

Madaxweynaha oo Ra’iisul Wasaaraha Britain ugu hambalyeeyay guusha doorashada

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In