Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nidaam casri ah oo isku xiraya shaqo bixiyaasha iyo shaqo doonayaasha oo la daahfuray

Idman Yahye by Idman Yahye
2 years ago
in Wararka
0
Nidaam casri ah oo isku xiraya shaqo bixiyaasha iyo shaqo doonayaasha oo la daahfuray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon.Yusuf Mohamed Adan ayaa si rasmi ah u daahfuray Nidaamka Casriga ah ee Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka (Somali National Job Portal), kaas oo wax weyn ka tari doona fududeynta helitaanka fursadaha shaqo ee dalka.

Munaasabadda daahfurka waxaa ka soo qeyb-galay wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, wakiillo ka socda Hayโ€™adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Nidaamkan cusub ayaa wax weyn ka beddeli doona habka shaqo-doonayaashu u helaan fursadaha shaqo, isaga oo xoojinaya xiriirka ka dhexeeya loo shaqeeyayaasha iyo shaqo-doonayaasha. Wuxuu yareyn doonaa caqabadaha hor taagan in dhalinyarada Soomaaliyeed helaan shaqooyin ku habboon xirfadahooda iyo khibraddooda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, oo ka hadlay munaasabadda daahfurka, ayaa xusay muhiimadda uu nidaamkan u leeyahay kobaca dhaqaalaha iyo horumarka waara ee dalka. โ€œTallaabadan waxay muujineysaa sida ay dowladda uga goโ€™an tahay xallinta caqabadaha shaqo laโ€™aanta, iyada oo la dhiirrigelinayo in fursadaha shaqo ee dalka si cadaalad ah loogu qeybiyo dhammaan muwaadiniinta,โ€ ayuu yiri Wasiirka.

Nidaamka Casriga ah ee Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka wuxuu leeyahay faaโ€™iidooyin badan oo ay ka mid yihiin: Fududeynta Shaqo-helidda, Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka, Kor u Qaadista Horumarka Dhaqaale iyo Hufnaan iyo Cadaalad.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa horey u qaaday dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo shaqo-abuurka, gaar ahaan dhalinyarada. Nidaamkan cusub ayaa qeyb ka ah qorshayaal ay wasaaraddu waddo si loo abuuro jawi shaqo oo casri ah, loona fududeeyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed helaan fursado ay noloshooda ku horumariyaan.

Dhammaan shaqo-doonayaasha iyo loo shaqeeyayaasha waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay si buuxda uga faaโ€™iidaystaan nidaamkan cusub si loo hormariyo fursadaha shaqo ee gudaha dalka.

Previous Post

Ciidamada Xoogga Dalka oo Jab Xooggan gaarsiiyay Khawaarijta Al-Shabaab

Next Post

Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in Wasaaraddiisu xoojinayso wadashaqaynta ay la leedahay qurbajoogta

Next Post
Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in Wasaaraddiisu xoojinayso wadashaqaynta ay la leedahay qurbajoogta

Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in Wasaaraddiisu xoojinayso wadashaqaynta ay la leedahay qurbajoogta

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

October 5, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In