Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nolosha Degmada Ceelbuur oo soo hagaageysa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Degmada Ceel Buur ee gobolka Galguduud, waxaa ka muuqda horumar dhinaca nolosha ah, dadkii ka barakacay ayaa bilaabay inay dib ugu soo laabtaan ayadoo goobaha ganacsi dib loo furay inta badan.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii dib loo kiciyay ceel-Biyoodkii magaalada oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab horay matoorkii uga qaateen, isla markaana ay dowladdu iyo hay’adaha samafalkuba gargaar gaarsiiyeen dadka degaanka.

Related posts

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa bishii March la wareegay degmada Ceelbuur kaddib sanado badan oo ay saldhig u ahayd maleeshiyaadka Al-Shabaab. Kooxdan ayaa bililiqeystay degmada, ayadoo dadkii degaanku ay ka baxeen magaalada.

Guddomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in suuqa xoolaha lagu iibiyo ee degmada uu dib u shaqo bilaabay, sidoo kale dad badan ayaa ku soo laabtay xaafadahooda sida uu tilmaamay guddoomiyuhu.

Dadka ku nool Ceelbuur ayaa aha kuwo ku tiirsan wax soo saarka iyo xoolaha nool hase yeeshee bilihii la soo dhaafay waxaa cuuryaamiyay degmada maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dadka ku hayay cagajugleyn.

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo

Next Post

Xildhibaannada Baarlamaanka oo loo qeybiyay mooshinka kal sooni kala noqoshada Xukuumadda (DAAWO MUUQAAL)

Next Post

Xildhibaannada Baarlamaanka oo loo qeybiyay mooshinka kal sooni kala noqoshada Xukuumadda (DAAWO MUUQAAL)

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Yugaandha,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026
0

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In