Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dhawaan gacanta ku dhigay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo bandhigay Hub, Saanad Ciidan oo kala duwan, Horjooge iyo Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay halkaasi.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa qabashada Bariire kadib kormeer shaqo ku tagay halkaasi oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda Ciidamada Uganda ee UPDF ay ka xoreeyeen maleeshiyaadka Khawaarijta, kuna dhigeen casharro lama ilaawaan ah, intii uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa tegay gododkii iyo xarumihii maleeshiyaadka Khawaarijta laga saaray, halkaas oo lagu arkayay meydad badan oo cadawga ah, hub farabadan iyo saanado kale oo ciidan oo ay ka carareen.
Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka, Gaashaanle Cali Cageey, ayaa taliyaha ugu warbixiyay xaaladda amniga iyo sida ay ciidanku u xaqiijiyeen xasilloonida deegaanka.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaliyeed Khalid Sheikh Cabdullahi Cumar ayaa bogaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka
โWaxaan booqday maanta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo shalay lagu nadiifiyay howlgalka qorsheysan ee guusha leh ee โDuufaanta Aamusanโ. Guushan waxay timid kaddib markii geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo garab ka helaya ciidamada UPDF ee qeybta ka ah AUSOM ay jebiyeen difaacyadii cadowga, lagana furtay hub badan, gacantana lagu dhigay maxaabiis, isla markaana loo geystay khasaare nafeed culusโ.
Taliyaha ayaa Bartiisa Baraha Bulshada ku qoray, โCadowgu waxa uu hore u jaray buundada deegaanka, taas oo muhiim u aheyd isku socodka bulshada, gaar ahaan Beeraleyda, si uu ugu goโdoomiyo nolol maalmeedkooda. Maanta, shacabka Bariire waxay dib u heleen xorriyaddooda iyo neecowda dowladnimada, iyadoo ciidanka Qaranku ay xaqiijiyeen in amniga iyo kala dambeyntu dib ugu soo laabato deegaanka, islamarkaana ay ka socdaan howlaha nadiifinta cadowgaโ.
Isagoo ka hadlaayay kormeerkiisa, โIntii aan ku guda jiray kormeerka, waxaan dhiirrigelin iyo bogaadin u jeediyay geesiyada ciidanka & saaxiibadeen UPDF ee ku sugan jiidda hore, kuwaas oo u taagan difaaca Shacabka. Bariire maanta waa calaamad muujinaysa goโaanka iyo awoodda dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan sifaynta iyo nadiifinta dhulka Soomaaliyeed meel kasta oo cadowgu ku dhuumanayo. Howlgalka โDuufaanta Aamusanโ wuu soconayaa ilaa laga xaqiijiyo amniga, midnimada iyo karaamada Qarankaโ.











