Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NUSOJ oo cambaareeysay falka lagu dhaawacay Wariye Farxaan Suleymaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
NUSOJ oo cambaareeysay falka lagu dhaawacay Wariye Farxaan Suleymaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay fal isku day dil ah oo la doonayay in lagu qaarajiyo Wariye Farxaan Suleymaan Daahir oo ka tirsan Sawir qaadayaasha Radio Muqdisho, xilli uu ku sugnaa aga gaarka Isgoyska KPP ee degmada Hodan.

War-saxaafadeed uu soo saaray NUSOJ ayaa lagu sheegay inay aad uga xunyihiin falka lagu dhaawacay Wariye Farxaan Suleymaan Daahir, isla markaana ay cambaareynayaan dadkii falkaasi ka dambeeyay, oo ay dalbanayaan in cadaaladda la horkeeno.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Shan xabadood ayay ku dhufteen wariyaha, taasi oo labo ka mid ah ay feeraha ka haleeshay, midna ay gacanta kaga dhacday oo sababtay in gacanta bidix ay jabto, waxaa kaloo jirta mid madaxa ka sartay” ayuu yiri Xuseen Aadan Ibraahim oo la hadlay NUSOJ.

Tifaftiraha Radio Muqdisho Ismaaciil Mukhtaar Cumar oo isna la hadlay NUSOJ ayaa sheegay in Wariye Farxaan ay dhagar qabayaashu ku dhufteen shan xababood, isla markaana ay meyd ahaan uga tegeen, laakiin uu Alle ka badbaadiyay dhagarta ay la rabeen kuwii falka u geystay Wariye Farxaan Suleymaan Daahir “Maaskaro”.

Xoghayaha Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistan ayaa si kulul u cambaareeyay falka lagu dhaawacay sawir qaade Farxaan, isagoo ka codsaday dowladda inay sameyso baaritaanno, ayna cadaaladda horkeenaan kuwii falkaasi ka dambeeyay.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku dhigay Miino Iyo Dadkii Ku Lugta Lahaa

Next Post
Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku dhigay Miino Iyo Dadkii Ku Lugta Lahaa

Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku dhigay Miino Iyo Dadkii Ku Lugta Lahaa

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In