Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NUSOJ oo cambaareysay Xarrigga labo Weriye oo Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe Xabsiga Dhigeen, kuna baaqday in xorriyadooda loo soo celiyo.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
NUSOJ oo cambaareysay Xarrigga labo Weriye oo Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe Xabsiga Dhigeen, kuna baaqday in xorriyadooda loo soo celiyo.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta si kulul u cambaareeyay xarrigga Tifaftirihii iyo Agaasimihii Idaacada oo maamulka gobolka Shabeelada dhexe ugu geystay magaalada Jowhar, uguna baaqay inay si bilaa shuruud ah xorriyadda weriyayaasha loo celiyo.

Cabdishakuur Cabdullahi Axmed, tifaftirihii Idaacadda Asal, ahna wakiil wareedka telefishinka Som News iyo Adan Xuseen Daauud oo ah Agaasimaha Idaacada ASAL, ahna wakiil wareedka telefishinka SOM News ayaa maanta oo Sabti ah 18 Luulyo, abaaro 11:00 subaxnimo, ayaa maamulka gobolka Shabeelada Dhexe xabsiga magaalada Jowhar u dhaadhiciyey, kadib markii weriyayaashu shaqo u tageen dibadbax magaaladaas ka dhacayay, oo markii dambe isku bedelay mid rabshado wata.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

“Waxaa maanta xabsiga loo taxaabay tifaftirihii iyo agaasimihii Idaacadda Asal xili ay shaqo u tageen goob banaanbax ka dhacayay” ayuu yiri Maxamed Abukar Caseyr, Agaasimaha Idaacada Jowhar, “Waanu kala hadalnay xarriga weriyayaasha maamulka gobolka, balse waa nasiib darro inay weli xabsiga ku sii jiraan.”

Maamulka gobolka shabeelada dhexe ayaan si rasmi ah uga hadlin xarriga weriyayaasha.

Ururka Suxufiyinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay tallaabadaas lagu xiray tifaftiraha iyo agaasimaha idaacadda ASAL, isla markaana wakiil wareedyo u kala ahaa Telefishinka Royal TV and Som News, waxaana ku baaqaynaa in xorriyadooda loo soo celiyo sida ugu dhakhsiyaha badan.

“Waa nasiib darro in tifaftirihii iyo agaasimihii Idaacada ASAL xabsiga loo taxaabo, iyagoo waajibkoodii shaqo gudanaya,”: ayuu yiri Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee NUSOJ, “Waxaana ku baaqeynaa in labadan weriye xorriyadooda sida ugu dhakhsiyaha badan loo celiyo.”

Previous Post

Howlgallo Ammaanka lagu xaqiijinayo oo laga sameeyay Hiiraan

Next Post

Xaflad qalin jebin ah oo loo qabtay arday dhameysatay heerka 1aad ee Jaamacadda “SAWIRRO”

Next Post
Xaflad qalin jebin ah oo loo qabtay arday dhameysatay heerka 1aad ee Jaamacadda “SAWIRRO”

Xaflad qalin jebin ah oo loo qabtay arday dhameysatay heerka 1aad ee Jaamacadda “SAWIRRO”

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In