Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NUSOJ oo ku baaqday in Haweenka Suxufiyiinta ah Door hoggaamineed laga siiyo Warbaahinta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta Haweenka Aduunka oo Garoowe lagu qabtay”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 8 Maarso, 2015 Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhamaan haweenka Soomaaliyeed, munaasabadda xuska 8-Maarso, gaar ahaan haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo kaalinta mugga ah ee ay ka jiraan warbaahinta Soomaaliyeed.

NUSOJ ayaa munaasabaddan awgeed baaq u dirtay dhamaan warbaahinta Soomaaliyeed oo ah inay door hogaamineed siiyaan gabdhaha suxufiyiinta ee shaqeeya,iyo fursadaha shaqo ee heer hogaamineedna haddii ay ka bixi karaan lagu tixgeliyo. Inkastoo hadda ay jiraan warbaahino fara ku tiris ah oo ay haween suxufiyiin ah hoggaamiyaan, haddana waa tiro aad u yar marka loo eego tirade warbaahineed ee dalka jirta.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

“Gabdhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed door lixaad leh ayay ka soo qaateen koboca iyo tayeynta warbaahinta, waana mudan yihiin ay door hogaamineed ku yeeshaan warbaahinta.” Ayay tiri Xabiiba Axmed Jimcaale, oo ah guddoomiye ku xigeenka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, ahna tifaftiraha wargeyska Mogadishu Times “Waxaa jira gabdho suxufiyiin ah mudan in door hogaamineed laga siiyo saxaafadda.”

Guddoomiye Xabiiba ayaa ugu dambeyntii tiri, “Waxaan rajeynayaa in sanadka soo socda uu noqon doono sanad isbedel wanaagsan sameeya, oo aan arko in warbaahin walba hogaankeeda sare ay ku jirto gabar saxafiyad ah, iyadoo Ururka NUSOJ kordhin doono ka qeybqaadashada gabdhaha ee hoggaanka warbaahinta.

Ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa wada qorshooyin lagu tababarayo gabdhaha Suxufiyiinta ah, taasoo looga gol leeyahay in gabdhaha lagu siiyo tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo, isla markaana qeyb ka ah barnaamijyada NUSOJ ugu talo gashay in lagu dhiiriigeliy haweenka Suxufiyiinta ah.

Previous Post

Wasiirka Difaaca “Dowladdu waxay u tanaasulaysaa danta shacabka, kumana kor gor-gortameyso iyagoo dhibaateysan”:-War-Saxaafadeed+Sawirro

Next Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In