Monday, March 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NUSOJ oo ku baaqday in Haweenka Suxufiyiinta ah Door hoggaamineed laga siiyo Warbaahinta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta Haweenka Aduunka oo Garoowe lagu qabtay”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 8 Maarso, 2015 Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhamaan haweenka Soomaaliyeed, munaasabadda xuska 8-Maarso, gaar ahaan haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo kaalinta mugga ah ee ay ka jiraan warbaahinta Soomaaliyeed.

NUSOJ ayaa munaasabaddan awgeed baaq u dirtay dhamaan warbaahinta Soomaaliyeed oo ah inay door hogaamineed siiyaan gabdhaha suxufiyiinta ee shaqeeya,iyo fursadaha shaqo ee heer hogaamineedna haddii ay ka bixi karaan lagu tixgeliyo. Inkastoo hadda ay jiraan warbaahino fara ku tiris ah oo ay haween suxufiyiin ah hoggaamiyaan, haddana waa tiro aad u yar marka loo eego tirade warbaahineed ee dalka jirta.

Related posts

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

March 9, 2026
Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

March 9, 2026

“Gabdhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed door lixaad leh ayay ka soo qaateen koboca iyo tayeynta warbaahinta, waana mudan yihiin ay door hogaamineed ku yeeshaan warbaahinta.” Ayay tiri Xabiiba Axmed Jimcaale, oo ah guddoomiye ku xigeenka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, ahna tifaftiraha wargeyska Mogadishu Times “Waxaa jira gabdho suxufiyiin ah mudan in door hogaamineed laga siiyo saxaafadda.”

Guddoomiye Xabiiba ayaa ugu dambeyntii tiri, “Waxaan rajeynayaa in sanadka soo socda uu noqon doono sanad isbedel wanaagsan sameeya, oo aan arko in warbaahin walba hogaankeeda sare ay ku jirto gabar saxafiyad ah, iyadoo Ururka NUSOJ kordhin doono ka qeybqaadashada gabdhaha ee hoggaanka warbaahinta.

Ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa wada qorshooyin lagu tababarayo gabdhaha Suxufiyiinta ah, taasoo looga gol leeyahay in gabdhaha lagu siiyo tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo, isla markaana qeyb ka ah barnaamijyada NUSOJ ugu talo gashay in lagu dhiiriigeliy haweenka Suxufiyiinta ah.

Previous Post

Wasiirka Difaaca “Dowladdu waxay u tanaasulaysaa danta shacabka, kumana kor gor-gortameyso iyagoo dhibaateysan”:-War-Saxaafadeed+Sawirro

Next Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khadka taleefanka kula...

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Saalim Caliyoow Ibrow, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda...

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda, ayaa kulan miro-dhal ah...

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In