Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NUSOJ oo ku baaqday in Si Shuruud La’aan ah loo Sii Daayo Labo weriye oo Muqdisho iyo Berbera ku kala Xiran

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
NUSOJ oo ku baaqday in Si Shuruud La’aan ah loo Sii Daayo Labo weriye oo Muqdisho iyo Berbera ku kala Xiran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Suxufiyiinta Qaramla Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaaraayay xarigyo is xig-xiga oo labo weriye xabsiyada Muqdisho iyo Berbera loogu taxaabay maalmihii Talaada iyo Arbacada ee la soo dhaafay, iyadoo ururku ku baaqay in bilaa shuruud wariyayaasha lagu sii daayo, laguna ixtiraamo weriyayaasha howsha adag ee naf hurnimada ah ee ay ugu adeegayaan Shacabka.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda Federalka ah in si deg deg ah loo sii daayo weriye Cabdifatax Xasan Kalgacal oo subaxnimadii Talaadada, 31 March 2015 ay ciidamada Booliska gurigiisa ka soo kaxeysteen, iyadoo loo gudbiyay Xarunta dembi baarista oo maalintii Saddexaad uu ku xiran yahay, iyadoo laamaha amniga weli aanay ka hadal arrinta weriyaha iyo sababaha loo soo xiray toona.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Weriye Kalgacal waxa uu ahaa weriyaha Baarlamaanka uga soo warama Idaacadda Goobjoog, isla markaana ah weriyaha keli ah ee isagoo “indho la’aan ah” xirfadda warbaahinta ugu shaqeeya si waafaqsan Anshaxa Saxaafada.

“Weriye Kalgacal waxa uu xabsiga ku jiraa maalintii sadexaad, Iyadoo sabab uu xiran yahayna aanu boolisku caddeynin,” Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa intaa ku daray, “Weriye Kalgacal waa weriye ku dhiiraday in isagooI indho la’aan ah uu Shacabka ugu shaqeeyo mihnaddan xanuunka badan, sidaasi darteed, Ciidamada Boolisku waan ognahay shaqo aad u adag ayay Shacabka Soomaaliyeed u hayaan, balse xarrigga weriye Kalgacal muuqaal aan wanaagsaneyn ayuu ifinayaa.

Dhanka kale, Policeka degmada Berbera ayaa xabsiga u taxaabay maalintii shalay 01 July, 2015 weriye Axmed Siciid Maxamed oo ah wariyihii Kalsan Tv Ee Berbera, waxaana maanta maxkamada degmada Berbera ay amartay in 7 maalmood lagu hayo xabsiga. Weriyaha ayaa loo xiray warbixin la xiriirta ismaandhaaf soo kala dhex galay maamulka dekedda iyo wasaariyadda Maaliyadda, taasoo weriyuhu ifiyay dulduleelada iyo habaca meesha jiray.

“In la iska xiro weriye gudanaya waajibkiisa saxafinimo ee ah in uu bulshada wargeliyo, waxay xad gudub ku tahay dastuurka Somaliland, Kan dowladda Federalka iyo heshiisyada heer gobol iyo heer caalami ee damaanad qaadaya xorriyadda hadalka oo ay Somalia qeyb ka tahay,” Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa yiri, isagoo ku baaqay in ay weriye Axmed Siciid xorriyaddiisa si shuruud la’aan ah loogu soo celiyo, lagana daayo weriyayaasha xarrigyada aan loo meel deyin ee looga gol leeyahay in lagu caburiyo xorriyada Saxaafada, dhanka kalena lagu khalkhal gelinayo suxufiyiinta.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka Hobyo oo sheegay iney gacanta ku hayaan Dooni si sharci darro ah uga kalluumeysaneysay xeebaha dalkeena

Next Post
Maamulka Hobyo oo sheegay iney gacanta ku hayaan Dooni si sharci darro ah uga kalluumeysaneysay xeebaha dalkeena

Maamulka Hobyo oo sheegay iney gacanta ku hayaan Dooni si sharci darro ah uga kalluumeysaneysay xeebaha dalkeena

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In