Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NUSOJ”AMISOM waa in ay wax ka badashaa baarista wariyayaasha{Warsaxaafadeed}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
NUSOJ”AMISOM waa in ay wax ka badashaa baarista wariyayaasha{Warsaxaafadeed}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM inay wax ka bedelaan qaab baariseedka ah isticmaalka eeyaha ee ka dhanka ah Qalabka shaqo ee shaqaalaha Warbaahinta marka ay u casuumaan inay tebiyaan wararkooda, isla markaana ka fekeraan qaab baariseed ka duwan midka hadda la isticmaalo.

Suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho ayaa maalinimadii Shalay ka soo kala dareeray xaflad ay Midowga Yurub ku sameysanayeen Xalane, kadib markii lagu amray inay qalabkooda hoos geeyaan eeyo wax uriya, taasoo laga yaabo in eyga dhareerkiisa uu gaaro qalabka, taasoo ay weriyayaashii ka biyo diideen.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Eeyaha iyo dhareerkooda ayaa ah “haran” ama Nijaaso diin ahaan iyo dhaqan ahaan, horeyna kaamirooyin la hoos geeyay lagu arkay dhareerkaas, sidaasi darteed, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqayaa ciidamada AMISOM inay xushmeeyaan dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana la yimaadaan hab/qalab baariseed casriya oo ay kaga kaaftoomi karaan isticmaalka eeyaha.

“Waan dareensanahay eeyaha loo isticmaalayo arrimo amni, balse waxaa la heli karaa hab baariseed casriya oo looga kaaftoomi karo isticmaalka eeyaha, iyadoo la xushmeynayo dhaqanka iyo diinta dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri, Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, “Waxaana ugu baaqeynaa inay wax ka bedelaan qaab baariseedkooda, si loo hagaajiyo xiriirka Warbaahinta iyo AMISOM.”

“Cabashada weriyayaasha ee arrintan waa ay soo noqnoqotay, waxaana lama huraan ah in xal deg deg ah laga gaaro, waxaana diyaar u nahay in aan idinkala shaqeyno qaabkii xal looga gaari lahaa, maadaama arrintu saameyneyso dhaqanka iyo diinta dalka, loogana baahan yahay AMISOM inay xushmeeyaan” ayuu ku daray  Xoghayaha Guud ee NUSOJ Md. Maxamed Ibrahim, “Waxa uuna uga mahadceliyey suxufiyiinta go’aanka midnimada ku jirto ee arrinkaa ka qaateen.”

 

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Qatar uga qayb galaya shir caalami ah{SAWIRRO}

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 11 05 2015

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 11 05 2015

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In