Saturday, August 13, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NUSOJ”AMISOM waa in ay wax ka badashaa baarista wariyayaasha{Warsaxaafadeed}

May 11, 2015
in Wararka
0
NUSOJ”AMISOM waa in ay wax ka badashaa baarista wariyayaasha{Warsaxaafadeed}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM inay wax ka bedelaan qaab baariseedka ah isticmaalka eeyaha ee ka dhanka ah Qalabka shaqo ee shaqaalaha Warbaahinta marka ay u casuumaan inay tebiyaan wararkooda, isla markaana ka fekeraan qaab baariseed ka duwan midka hadda la isticmaalo.

Suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho ayaa maalinimadii Shalay ka soo kala dareeray xaflad ay Midowga Yurub ku sameysanayeen Xalane, kadib markii lagu amray inay qalabkooda hoos geeyaan eeyo wax uriya, taasoo laga yaabo in eyga dhareerkiisa uu gaaro qalabka, taasoo ay weriyayaashii ka biyo diideen.

Related posts

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

August 13, 2022
Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

August 13, 2022

Eeyaha iyo dhareerkooda ayaa ah “haran” ama Nijaaso diin ahaan iyo dhaqan ahaan, horeyna kaamirooyin la hoos geeyay lagu arkay dhareerkaas, sidaasi darteed, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqayaa ciidamada AMISOM inay xushmeeyaan dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana la yimaadaan hab/qalab baariseed casriya oo ay kaga kaaftoomi karaan isticmaalka eeyaha.

“Waan dareensanahay eeyaha loo isticmaalayo arrimo amni, balse waxaa la heli karaa hab baariseed casriya oo looga kaaftoomi karo isticmaalka eeyaha, iyadoo la xushmeynayo dhaqanka iyo diinta dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri, Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, “Waxaana ugu baaqeynaa inay wax ka bedelaan qaab baariseedkooda, si loo hagaajiyo xiriirka Warbaahinta iyo AMISOM.”

“Cabashada weriyayaasha ee arrintan waa ay soo noqnoqotay, waxaana lama huraan ah in xal deg deg ah laga gaaro, waxaana diyaar u nahay in aan idinkala shaqeyno qaabkii xal looga gaari lahaa, maadaama arrintu saameyneyso dhaqanka iyo diinta dalka, loogana baahan yahay AMISOM inay xushmeeyaan” ayuu ku daray  Xoghayaha Guud ee NUSOJ Md. Maxamed Ibrahim, “Waxa uuna uga mahadceliyey suxufiyiinta go’aanka midnimada ku jirto ee arrinkaa ka qaateen.”

 

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Qatar uga qayb galaya shir caalami ah{SAWIRRO}

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 11 05 2015

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 11 05 2015

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

August 13, 2022
0

Ra’iisul Wasaaradah Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee wasaaradda...

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

August 13, 2022
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiiru-dowlaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga mudane...

Soomaaliya Oo La Wareegtay Deeq Raashin Ah Oo Uga Timid Imaaraadka Carabta

Soomaaliya Oo La Wareegtay Deeq Raashin Ah Oo Uga Timid Imaaraadka Carabta

August 13, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), oo uu wehliyo Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, Xoghayaha...

Ciidamada Isku Dhafka Ah Ee Puntland iyo Galmudug Oo Lagu Wareejiyay Gaadiid

Ciidamada Isku Dhafka Ah Ee Puntland iyo Galmudug Oo Lagu Wareejiyay Gaadiid

August 13, 2022
0

Masuuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta si wadajir ah ugu wareejiyay labo gaari Ciidanka isku dhafka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In