Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nuxurka Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee Ducada+sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 9, 2019
in Wararka
0
Nuxurka Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee Ducada+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in Garoonka Ciyaaraha ee Banaadir loogu magac daray Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho, Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj.Yariisow), taas oo maamuus iyo xasuusin u ah doorkii waddaninimada ahaa ee uu ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta Caasimadda.

Madaxweynaha oo kumannaan shacab ah kala qayb galay isu-soo-bax xus iyo duco ah oo loo sameeyay halyeeyadii ku shahiiday qaraxii argagixisanimo ee Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aysan ka weecanayn dagaalka ay kula jiraan argagixisada tan iyo inta ay ka xorreynayaan dalka oo dhan.

“Dagaalka argagixisadu waxa uu soo socday muddo dheer, hadda waxa ay kaga soo hartay in ay is qarxiyaan markii ay u babac dhigi waayeen ciidamadeena geesiyaasha ah. Waa in aan adkaynno amnigeenna iyo wadashaqaynteenna, cadawgana aan ugu tagno meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay taariikh nololeedkii Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow), waxa uuna sheegay in uu ahaa shakhsi dowladnimo jecel oo mar kasta ka shaqeynayay danta dalka.

“Alle ha u naxariistee Inj. Yariisow dhammaanteen waan ognahay halgankiisii dowladnimada, waxa uu ahaa shaqsi ay dowladnimadu ku weyn tahay, dowlad yaqaan ah oo jecel in dadkiisa iyo dalkiisa uu ugu adeego si waddaniyad leh, naxariis badan, ammaano leh, kana fogaa qabyaaladda.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ubax dhigay taallo-xuseedka Garoonka Ciyaaraha ee Inj.Yariisow, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Taliyeyaasha Ciidamada iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.

Previous Post

Guddoomiye Mursal oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Cape Town K/Afrika

Next Post

Dowladda FS oo war ka soo saartay dhacdadii Baydhabo ka dhacday

Next Post
Dowladda FS oo war ka soo saartay dhacdadii Baydhabo ka dhacday

Dowladda FS oo war ka soo saartay dhacdadii Baydhabo ka dhacday

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In