Monday, September 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nuxurka Qodobada Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
February 28, 2024
in Wararka
0
Nuxurka Qodobada Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Turkey Recep Dayyib Erdogan, ayaa booqday Muqdisho 25 bishii Janaayo ee sanadkii 2015-kii, si uu u furo mashaariic ay Turkey ka hirgaliyeen Soomaaliya. Erdogan ayaa xariga ka jaray terminaalka cusub ee garoonka diyaaradaha aaden Cadde ee magaalada Muqdiosho. Sidoo kale Madaxweynaha Turkiye wuxuu dib u furay Isbitaalka Digfeer oo ay dayactirtay dowladda Turkey, kaasi oo loogu magac daray Erdogan.

Erdogan oo Saxaafadda kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda Turkey ay sii wadayso mashaariicda iyo taageerada Soomaaliya, waxa uu kaloo uu intaasi ku daray in uu mashaariic badan ka hirgalin doonno Soomaaliya, sidoo kalena ay dowladdiisu Muqdisho ka dhisan doonto safaarad weyn, taasi oo laga dhisay Degmada Cabdicasiis, taasi oo noqotay safaaraddii ugu weyneyd ee uu Turkiga ku yeesho Soomaaliya.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

September 15, 2025
Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

September 15, 2025

Safarkaasi waxa uu ahaa kii labaad ee Erdogan uu tago Soomaaliya, isagoo markii uu Ra’iisul-wasaaraha ahaa Soomaaliya booqday sannadkii 2011-kii, wakhtigaasi oo ay Soomaaliya ka jirtay abaar iyo macluul aad u ba’an.​

Haddaba Macluumaad ayaa laga helayaa heshiis Amni oo ay Dowlada Federaalka, ayaa la gashay Dowlada Turkiga maalmo ka hor, taas oo u fasaxeysa Ciidamada Badda Turkigu in awood ay ku ilaalinayaan xeebaha Dalka, kaasi oo ay soo wada saxiixeen Golaha Wasiirada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay cod aqlibiyad ah u wada ansaxiyeen kulan ay yeesheen Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana uu saxiixay Madaweynaha Soomaaliya, waxaa kaloo laga war dhowrayaa in uu maalmaha soo socda uu heshiiskaasi ansixiyo Baarlamaanka Dalka Turkiye, islamrkaana uu qalinka ku duugo Madaxweynaha Dalkaasi.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan safar ku tegi doona Dalka Turkiga, si loo xoojiyo heshiiska. Heshiiskaan, ayaa socon doono muddo 10 Sano ah, iyadoo Ciidamada Turkiga lagu wareejinayaa Xeebaha Dalka todobaadyada soo socda, sidoo kale ay dib u dhisaan una Qalabeeyaan Ciidamada Badda Somalia. Ilaa hadda ma cadda in heshiiska ay ku jirto, in haddii lagu soo xadgudbo Xeebaha dalka ay u dhiman doonaan iyo  in kale dhinaca Turkiga, taasoo haddii aan jirin aan waxba ka duwanaan doonin joogitan koogu waqtigan ee qeyb ka noqoshada howlgalka Amni sugida ee ay dalal badan ku joogaan biyaha Dalka Soomaaliya.

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helay nuxurka Qodobada heshiiska Difaaca iyo dhaqaalaha ee ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kadib markii ay si degdega u ansixiyeen Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamanka Federaalka, isla markaana uu saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Nuxurka Qodobada Heshiiskaan oo aan wax faahfaahin laga bixin, iyadoo la sugayo in Dowlada Turkigu ansixiso dhankeeda. Heshiiskaan ayaa muddo sanado ah soo jiitamaaya, iyadoo Maamulkii hore ay ka hor istaageen Dowlada Mareykanka haatanse oggolaatay, waxaana la helayaa qodoboda heshiiska oo ay Saxaafadda Turkigu qortay, islamarkaana Saxaafadda loo dusiyay.

Qodobada ugu Muhiimsan Heshiiska:

1.Inuu heshiisku socon doono muddo 10 sano ah.

2.Ilo dhaqaale oo dheeri ah oo caawin kara kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

3.Waxay fasaxday Howgallada Cirka, Dhulka iyo Badda inay si wadajir ah u wada howlgalaan Ciidamada Turkiga iyo Soomaaliya iyo mideynta shuruucda badda ee labada Dal.

4. Qeyb ka mid ah heshiiska Turkiga waxaa loo oggolaaday inuu difaaco Madax-bannaanida Dhuleed, Cirka iyo Xeebaha ee Soomaaliya ee Aagagga gaarka ah ee dhaqaalaha iyo meelaha isku-xiran iyo in lala dagaallamo Dalalka iyo kuwo hungureeya, iyo sidoo kale in laga hortago dhammaan noocyada falalka sharci-darrada ah, sida Burcad-badeedda, Argagixisada, Kaluumeysiga sharci-darrada ah iyo daadinta walxaha qashinka nukliyeerka iyo shucaaca.

5.Waxa lagu heshiiyay in horumarinta Warshadaha Dhismaha maraakiibta iyo Dhismaha Dekedaha guud ahaan xeebaha Soomaaliya iyo Dhismaha xarumaha hal dal kaliya iyo qaar wadajir ah iyo sameynta Aagagga amniga Soomaaliya.

6.Taageeridda tababarrada, farsamada iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya.

7.Waxay caawisaa habeynta iyo iswaafajinta sharciyada badda, maareynta kalluumaysiga iyo habeynta hagitaanka.

8.Waxaa lagu heshiiyay bixinta kaalmo farsamo oo ay ku jirto tababarida iyo qalabeynta Ciidamada Badda ee Soomaaliya sida Maraakiibta Dagaalka iyo Doonyaha hubeysan ee dheeraya.

Hadal heyn badan ayay arrinta heshiiskaasi ka dhalisay Caalamka, waxayna siyaabo kala duwan u faaqidayaan oo qolobo meel u jiidatay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri.” Heshiiska aan la galnay dowladda Turkiga waxaa uu soconayaa 10 sano waxaana la dhisayaa ciidanka badda Soomaaliya”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambayn sheegay in heshiiskan uu sidoo kale muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka baluugga ah, waxa uuna hadalkaani jeediyay kadib markii uu saxiixay heshiiskaasi.

Dhinaca kale Dowladda Turkiye ayaa soo dhaweysay heshiiskaasi dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiye, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay horgeeyaan heshiiskaasi Baarlamaanka Dalkaasi, si uu ansixyo, maadamaa uu horeyba u soo ansaxiyeen Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadibna uu saxiixay Madaxweynaha Ummadda Soomaaliyeed.

Wargeysyo badan oo ka hadla arrimaha Shidaalka ayaa sheegaya in dowlad Carbeed ay ku soo biireysa dowladaha shidaalka dhoofiya dhammaadka sanadkan 2024-ka, taasi oo heysata keyd shidaal oo aad u fara badan, iyagoo ula jeeda Dowladda Soomaaliya, waxayna Wargeysadu badi  soo xiganayaan Wasiirka Tamarta iyo Batroolka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo shirkadaha shidaalka ee dasneeya arrimaha soo saarista shidaalka, waxayna Wargeysyaduku tilmaameen in Soomaaliya ay hadda gacan ammaan ah ay gashay oo ay ku soo saran karto shidaalkeeda ceegaag gudaha Dhulka iyo Badda Soomaaliya.

Previous Post

Wasiir Dowlaha Isgaarsiinta oo ka qeybgalay Shirweynaha caalamiga ah ee Talleefanada Gacanta

Next Post

Shirka latashiga Wasaaradaha Dastuurka ee Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo laga furmay Muqdisho 

Next Post
Shirka latashiga Wasaaradaha Dastuurka ee Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo laga furmay Muqdisho 

Shirka latashiga Wasaaradaha Dastuurka ee Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo laga furmay Muqdisho 

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

September 15, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalaya Shirwaynaha Dowladaha Carabta iyo Islaamka ee ka socda magaalada...

Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

September 15, 2025
0

Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ayaa maanta lagu qabtay kulanka bilaha ah ee u dhexeeya Wasiirka Wasaaradda iyo hawl-wadeenada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku soo bandhigay Shirka Carabta mowqifka Soomaaliya ee ka dhan ah xadgudubyada Israa’iil ee dalalka Carabta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku soo bandhigay Shirka Carabta mowqifka Soomaaliya ee ka dhan ah xadgudubyada Israa’iil ee dalalka Carabta

September 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo...

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

September 15, 2025
0

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo ay soo agaasintay Hay’adda Taya-dhawrka Qaranka.   Shirkan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In