Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Odoyaasha dhaqanka ee Cadaado oo xoolo loogu talagalay ciidanka ku wareejiyay maamulka Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Odoyaasha dhaqanka ee Cadaado oo xoolo loogu talagalay ciidanka ku wareejiyay maamulka Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Odayaasha dhaqanka iyo bulshada reer Cadaado ayaa deeq xoolo nool ah oo ay ugu talagaleen Ciidamada Qalabka sida ee ka qayb galay howlgalkii dhowaan ka dhacay Guriceel ku wareejiyay Duqa Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geeda-qoroow oo ay u wakiisheen in uu ka gaarsiiyo Saraakiisha Ciidamada, si ay ugu dhiiri galiyaan Askarta

Xoolahan oo ka kooban 9-neef oo geel ah ayaa qayb ka ah sida odayaashu sheegeen dhowr iyo toban halaad oo geel ah, kuwaa oo waxgaradku ugu talagaley in lagu dhiirigeliyo Ciidamada Qalabka sida,

Related posts

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026

Dhiirigalintan waxgaradka ayay ku micneeyeen in ay tahay abaal marin ka timid bulshada reer Cadaado oo ay Ciidamada kaga mahadcelinayaan howlgalka dib loogu soo celiyay gacanta dowladda magaalada Guriceel, isla markaana ay dhiirigelinayaan firfircoonida ka muuqata howsha ay har iyo habeenba u taagan yihiin ee sugida ammaanka.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geeda-qoroow, ayaa dhiirigalinta waxgaradka reer Cadaado ku tilmaamay mid ku sii dardar gelin doonta Ciidamada gudashada waajibaadka ka saaran ilaalinta amniga shacabka, isagoo si gaar ah kaga dalbadey in waxgaradka beelaha kale looga fadhiyo in ay iyana keenaan taakulo tan la mid ah.

Previous Post

Wafdi ka socda Bangiga Adduunka oo booqasho ku tegay xarunta Wasaaradda Caafimaadka Puntland “SAWIRRO”

Next Post

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Indonesia oo kulan qado ah u sameeyay ganacsatada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post
Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Indonesia oo kulan qado ah u sameeyay ganacsatada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Indonesia oo kulan qado ah u sameeyay ganacsatada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug soo gaarsiiyey Kaararka codbixiyaasha hore loo diiwaangeliyey,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026
0

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In