Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ololaha Wacyigalinta dib-u-eegista Dastuurka oo lagu soo Gabagabeeyay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Ololaha Wacyigalinta dib-u-eegista Dastuurka oo lagu soo Gabagabeeyay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Olole Wacyigalineed oo kusaabsan Dib-u-eegista dastuurka kaa oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay manata waxaana ka soo qaybgalay dad kabadan boqol qof oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimadda muqdisho.

Ololahan oo ah mid ballaaran ayaa ujeedadiisu tahay in dadka soomaaliyeed ay ka qayb qaataan dib-u-eegisata dastuurka islamarkaana iyo aragtidooda ku biiriyaan cutubyada dib-u- eegista lagu sameeyay iyo in sidoo kale loo soo bandhigo arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed ee ku jira dastuurka si ay ufahmaan mowduucyada dastuurku ka koobanyahay.

Kulanka gobolka banaadir intii uu socday waxaa ka qayb galayaasha lala wadaagay nuqulada dib-u-eegista lagu sameeyay iyo sidoo kale agabyo ay ka heli kartaan xogta dastuurka, waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galay khuburro kuwsas oo soo jeediyay mowduucyada u baahan wada xaajiidyada siyaasadeed sida maqaamka caasimadda, caddaaladda iyo amniga, hannaanka maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka dowladda.

Ka soo qaybgalayaasha ayaa bogaadiyay ololaha wacyigalinta ee wasaaradda dastuurka ay hurmuudka ka tahay waxayna codsadeen in labadiyo kulamada nuucaan oo kale ah si qof kasta oo soomaaliyeed fursad ugu helo in uu aragtidiisa ku daro dib-u-eegista dastuurka.

Gabagabadii agaasimaha wacyigalinta wasaaradda Arrimaha dasstuuka Abdikani Ali adan oo kulanka soo xiray ayaa uga mahadceliyay ka qayb galayaasha shirka sida wacan oo ay uga qayb galeen kulanka iyo sida ay u soo bandhigeen doodda wanaagsan ee quseysa mowduucyada lagu soo bandhigay shirka.
Agaasimaha ayaa xusay ujeedada ololahan at tahay in sare looqaado ogaalka bulshada ee la xiriirta dib-u-eegista dastuurka. Sidoo kale, Waxa uu xusau in ololahan uu socon doono muddo laba bilood ah laguna qaban doono dhammaan gobolada dalka si loo helo aragti ka tarjumaysa danta dadka soomaaliyeed eek u aadan dib-u-eegista dastuurka.

“Ololahan wuxuu socon doonaa muddo laba billood ah, Feebaraayo – Maarso, waxaa lagu qaban donaa dhammaan dowlad goboleedyada dalka, waxaana la wadaagi doonnaa cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay si ay taladooda ugu biiriyaan” ayuu yiri Agaasime Abdikani.

Ugu dambayn, kulankan ayaa hordhac u ahaa kulamo kale oo wacyigalineed oo ka dhici doonaa gobolada dalka, si bulshada looga tala geliyo dib-u-eegista dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Ciidanka cirka Suuriya oo duqeeymo ka geystay Magaalada Idlib

Next Post

Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Moi oo geeriyooday.

Next Post
Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Moi oo geeriyooday.

Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Moi oo geeriyooday.

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In