Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Olole nadaafadeed oo markale ka bilowday degmada Xamar Jabjab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 15, 2015
in Wararka
0
Olole Nadaafadeed oo ka bilowday qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmada Xamar Jabjab oo kaashanaya shacabka Degmada ayaa waxaa uu bilaabay olole nadaafadeed oo lagu soo celinayo bilicda Degmada.

Ololahan nadaafadeed ayaa ah mid lagu nadiifinayo xaafadaha iyo waddooyinka dhexmara degmada, si dib loogu soo bilicda caasimadda, waxaana ka qeyb qaadanayay gaadiidka qashinka ee dowladda hoose, haween iyo dhalinyarada degmada.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Xamar Jabjab Axmed Cabdullaahi Samow ayaa sheegay in ololahan Nadaafadeed uu yahay mid looga hortago in qashinka ay saameyn ku yeeshaan bulshada ku nool degmada, gaar ahaan carruurta, maadaama lagu guda jiro bishii Maarso oo ka mid ah bilaha kuleylaha.

“Sida aad la socotaan waxaa lagu jiraa bilihii kuleylaha, marka waxaan qorsheyney in aan qashinka ka nadiifino xaafadaha, maadaama ay ka dhalan karaan cuduro kala duwan oo ay ka midtahay shuban biyoodka” ayuu yiri Guddomiye ku-xigeenka degmada Xamar Jabjab.

Agaaasime ku-xigeenka Waaxda nadaafadda ee Gobolka Benaadir Xuseen Abtidoon ayaa sheegay in maamulka gobolka uu dhiiri gelinayo ololaha nadaafadeed, isagoo shacabka ku booriyay in si wada jir ah looga qeyb qaato

“Ololahan ayaa ah mid lagu soo celinayo bilicdii ay lahayd caasimadda, runtii waan dhiiri gelineynaa si shacabka ay ka wada qeyb qaataan, waayo inta uu qashinka kuu jiro ayuu cudurkana kuu jiraa, ee aan u wada istaagto ka qeyb qaadashada bilic soo celinta caasimadda” ayuu yiri Agaasime ku-xigeenka Waaxda Nadaafadda.

Degmada Xamar Jabjab ee gobolka Benaadir ayaa dhawaan ku guuleysatay tartankii ku saabsanaa ololaha nadaafadda.

Previous Post

Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Gobolka Hiiraan oo xukunno kala duwan ku riday askar

Next Post

Wasiiru dowlaha Bay’ada oo heshiis la saxiixday dhigiisa Maasar”SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru dowlaha Bay’ada oo heshiis la saxiixday dhigiisa Maasar”SAWIRRO”

Wasiiru dowlaha Bay’ada oo heshiis la saxiixday dhigiisa Maasar”SAWIRRO”

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In