Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Paris Saint Germain iyo Chelsea oo Bareejo Ku Kala Baxay ”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Ciyaaraha
0
Paris Saint Germain iyo Chelsea oo Bareejo Ku Kala Baxay ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wareega labaad ee koobka naadiyada yurub ee Champions League-ga ayaa xalay dib u biloowday,ka dib ku dhawaad labo bilood oo uu hakad ku jiray.

Kooxda Paris Saint Germain ee dalka faransiiska ayaa xalay lugtii koowaad ee koobka Champions League-ga garoonkeeda Parc des Princes waxa ay ku marti galisay kooxda Chelsea oo ka socotay dalka ingiriiska.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Labada kooxood ayaa sanadkii hore ku kulmay wareega labaad ee koobka Champions League-ga,waxana farqi dhanka goolasha ah ku soo baxday kooxda Chelsea.

Kooxda Chelsea ayaa goolka la hor martay,waxana kubad labo ciyaaryahan oo daafaca uga ciyaarta kooxda Chelsea ay isku dhiibteen waxaa daqiiadii 36-aad ee eybtii hore ee ciyaarta shabaqa kooxda PSG ku hubsaday ciyaaryahan Branislav Ivanovic oo isna daafaca ka ciyaara,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Iva goolivaa gooliva gooolIvan celeIva celeIvaa ccelee

Markii la isku laabtay qeybtii labaad ayaa ciyaaryahanada kooxda PSG waxa ay weerar culus ku soo aadeen goolka kooxda Chelsea,waxaana bilowgii eybtii labaad ee ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda PSG ciyaaryahan Edinson Cavani oo weerarka ka ciyaara.

Cava goolCav cele Cava cele

Gool-hayaha kooxda Chelsea Thibaut Courtois ayaa ciyaaryahanada kooxda PSG ka badbaadiyay fursado dhowr ah oo gool loo filan karay.

Kooxda Shakhtar Donetsk ayaa lugtii koowaad ee koobka Champions League-ga garoonka Arena Lviv barbardhac 0-0 ah kula gashay kooxda Bayern Munich.

Kooxda Shakhtar ayaa kulamadeeda ku ciyaarto magaalada Lviv maadaama magaalada ay ka dhisantahay ee Shakhtar ay dagaalo ka socdaan,islamarkaana waxyeelo ay gaartay garoonkii ay ku ciyaari jirtay ee Donbass Arena.

Ciyaaryahan Xabi Alonso oo xalay saftay kulankiisii 100-aad ee koobka Champions League-ga ayaa dhamaadkii ciyaarta waxaa kaarka casaanka ah u taagay garsoorihii ciyaarta Alberto Undiano oo u dhashay dalka Spain.

Red

Kooxda Schalke 04 oo ka ciyaarta horyaalka Jarmalka ayaa caawo garoonkeeda Veltins-Arena kula ciyaareyso kooxda Real Madrid oo hogaamineyso horyaalka Spain ee La Liga.

Kooxda FC Basel oo ka ciyaarta horyaalka dalka Switzerland waxa ay sidoo kale caawo garoonkeeda St. Jakob-Park kooxda FC Porto oo ka ciyaarta horyaalka dalka Portugal.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Kulan lagu taageerayo Maamulka Degmada Matabaan oo lagu qabtay Jaziiradda Malta

Next Post
Kulan lagu taageerayo Maamulka Degmada Matabaan oo lagu qabtay Jaziiradda Malta

Kulan lagu taageerayo Maamulka Degmada Matabaan oo lagu qabtay Jaziiradda Malta

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In