Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan lagu taageerayo Maamulka Degmada Matabaan oo lagu qabtay Jaziiradda Malta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 18, 2015
in Wararka
0
Kulan lagu taageerayo Maamulka Degmada Matabaan oo lagu qabtay Jaziiradda Malta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay isugu yimaadeen dhalinyaro ku midaysan magaca jaaliyadda Gobolka Hiiraan ee kunool Jaziiradda Malta, ayaa siwayn ugu taageerey Gudoomiyaha cudub ee Degmada Matabaan ee gobolkaasi Hiiraan, Mudane C/risaaq Maxamed Axmed `Caato` oo uu xilkaasi umagacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/fitaax Xasan Afrax.

Dadkii kasoo qayb galay madasha munaasabadda oo u badnaa dhalinyaro ayaa sheegay in hormarka degmada Matabaan ay ragaadiyeen colaado iyo is qabqabsi soo noqnoqday, taasoo ay degmada kala simahantahay degmooyiinka kale ee ay saameeyeen burburka uu kusoo jiray dalka mudada dheer ee umuuqda in laga gudbayo iminka.

Related posts

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025

Soomane Cabdi Indha-cadde oo kamid ahaa dhalinyaradii ka hadashay goobtaasi ayaa yiri “ waa ilaah-mahadii haddii Degmada Matabaan oo soo martay marxalado kala duwan iyo dib udhac farabadan in maanta loo magacaabay Gudoomiyaheeda cusub C/risaaq Maxamed Axmed `Caato` oo degmadda kudhashey kusoo barbaarey kuna soo waxbartay, anagoo ah dhalinyaradii Degmada waxaan umuujineynaa taageero waaxana urajeyneynaa in howshaasi uu ilaah ufududeeyo“.

Sidoo kale Mustafe Xasan Cismaan oo kamid ahaa dadkii goobta kahadlay ayaa isna dhankiisa siweyn usoo dhaweeyey kaalinta dhalinyaradu ay ku leeyihiin xiligan isbedelka kajira guud ahaan dalka gaar ahaan gobolka Hiiraan, isagoona ugu baaqay Guduumiyaha cusub ee Degmada Matabaan C/risaaq Maxamed Axmed `Caato` in uu noqdo hogaan lagu daydo oo u cadaaladsameeya dadka uu masuulka u yahay ee colaadu ay ragaadisay.

Isku soo wada duuboo, Degmada Matabaan oo ku magacdheer “Matabaan Garoore“ waa magaalo ku taala dhank waqooyi ee gobolka Hiiran, una jirta 75 kiilo mitir magalada Baldweyene ee Caasimada gobolka Hiiran,

Previous Post

Paris Saint Germain iyo Chelsea oo Bareejo Ku Kala Baxay ”SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
0

Diyaaraddii Air India ee ku burburtay 12-kii June 2025 magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya, ayaa noqday mid si weyn u...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In