Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Philippe Lazzarini oo ka hadlay arrimaha bani’aadamnimada iyo xayiraadda xawaaladaha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo ka dayrisay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isu-duwaha howlaha gar gaarka bani’aadanimo ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Philippe Lazzarini ayuu si guud uga hadlay arimaha bani’aadanimada, xiritaanka shirkadihii xawaaladaha, iyo amaanka shaqaaalaha gar gaarka eek a howlgala Soomaaliya.

Philippe Lazzarini ayaa muujiyay in Soomaaliya ay ka jirto baahiyo dhanka bani’aadanimada ah isla markaana ay tahay in lagu xisaabtamo in weli loo baahan yahay gurmada deg deg ah si loo badbaadiyo nolosha bulsho badan oo Soomaaliya ku nool kuwaasi oo u baahan adeegyada nolosha aasaasiga u ah.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

“waxaanu la macaamiilnaa waddan haatan dib u soo kabsanaya oo marxalado kala duwan soo marey, waa in la ogaadaa in weli howlaha gargaarka bani’aadanimo ay yihiin baahidoodu mid aan fari ka qodnayn“ ayuu yiri Philippe Lazzarini

Wuxuu sheegay in 3 million oo ruux ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo, 740, 000 oo dadkaasi ka mid ah ayaan helin waxyaabaha nolosha asaasiga u ah, waxana ku jira laba boqol oo kun oo caruur ah oo nafaqo darro haysato.

Mr. Lazzarini ayaa dhinaca kale sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay wajahayso caqabado ka dhashay xayiraadda xawaaladaha, Mareykanka, Audtralia iyo Kenya ayaa xiray xawaaladaha Soomaalida, Philippe Lazzarini wuxuuna xusay in boqolkiiba 40 Soomaalida ay ku nool yihiin lacagaha dibadda ah.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha oo sheegay in dalku isku filanaasho gaari doono-DHAGAYSO

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Next Post
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In