Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Premeir Bank oo soo bandhigay adeegyo cusub-  Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Premeir Bank oo soo bandhigay adeegyo cusub-  Sawirro

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Premeir Bank ayaa maanta daah-furay adeegyo banki oo u gooni ah qurbo-joogta Soomaaliyeed, iyadoo shir jaraa’id oo Madaxda Bankiga qabteen ay ku faah faahiyeen adeegan cusub.

Madaxa howl galada ee Bankiga Primeir Bank C/risaaq Maxamed Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee bankiga oo ku taal magaalaada Muqdisho ayaa sheegay in adeegan uu ka bilowday dalalka Mareykanka, Kenya iyo Ingiriiska, laguna baahin doono dalal kale.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Adeegan ayaa u ogolaanaya Soomaalida ku nool dalalkaas inay helaan adeeg banki oo isku xiraya dalka iyo dibadda

“Waa Adeeg ka kooban 5 qeybood oo kala ah; in qofka qurbo joogta uu ogaan karo dhaqdhaqaaqyada xisaabaadkiisa, ayna ku soo dirsan karaan dhaqaalahooda oo ugu darsameysa xisaabaadkooda ama ay u diri karaan qofka ay rabaan, bankiga isagoo ka ambaqaadaya horumarka dalka waxa uu sahlayaa in maalgashi uu sameeyo” ayuu yiri C/risaaq Maxamed Axmed oo ah madaxa Oparations-ka.

Adeegyada banki ee qurbo-joogta bankiga Premier ee maanta la daah-furay ayaa ka kooban xirmo adeeg ah oo isugu jirta:

1- Xisaabta socota (Current account),

2- Adeegga Master Card debit oo macmiilku xisaabtiisa lacag kaga la bixi karo meel kasta
oo uu adduunka ka joogo.

3- Adeegga swift-ga oo sahlaya in macmiilka qurbo-joogaha ah lacag ku soo dirsan karo
kana dirsan karo xisaabtiisa ka furan Premeir Bank.

4- Adeegga bixinta biilasha oo macaamiisha qurbaha u ogolaanaya in ay si sahlan u bixiyaan biilasha ay u soo diraan Soomaaliya iyaga oo adeegsanaya xisaabaadka ay ku leeyihiin Premier Bank

5- Iyo maal gelinta qurbo-joogta oo ka kooban xirmada maalgelinta ganacsiga iyo xirmada, maal-gelinta guryaha iyo hantida ma-guurtada ah.

Premier Bank ayaa bixinta adeegan banki ee qurbo-joogta waxaa kala shaqayn doona wakiillo bankigu si sharci ah ugula heshiiyay hubinta iyo soo gudbinta document-yada macaamaiisha xisaabaadka loo furayo ee ku sugan dalalka adeegan lagu diyaariyay ee Maraykanka, Ingiriiska iyo Kenya.

Premier Bank ayaa sidoo kale diyaariyay shaqaaale iyo khadad taleefan oo si gooni ah loogu talo galay caawinaadda macaamiisha qurbaha.

Bankiga ayaa ballan qaaday in uu dhawaan bilaabi doono adeegyo kale oo la jaan-qaadaya baahida Soomalida ku nool qurbaha oo bankigu soo bandhigi doono xilligooda.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
Previous Post

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga oo booqday deegaanka Lambar 50 “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In