Kulankani oo looga hadlayey dar-galinta dib u eegista dastuurka KMG ah ee Dalka iyo doorka ay ka qaadan karaan maamul gobolyeedyada dalka ka jira wadatishiyada lala samaynayo Shacabka Soomaaliyeed e la xariirta dib u eegista dastuurka ayaa maanta lagu qabtay xaruurta villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka oo uu shir Guddominayey Guddoomiiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada maamul goboleedyada Jubbaland , Koonfur galbeed Soomaaliya, kan Galmudug iyo guddiga dib U eegsita dastuurka ee Baarlamaanka Soomaliya, waxaana la isku dhaafsaday firdao ku saleysan Sidii looga wada shaqeyn lahaa in shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen dastuurka oo dhameystiran oo adkeeya Midnimadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux xoghayaha Guud ee Golaha shashacabka Soomaaliyeed oo warbahinta qaranka la hadlay ayaa tilmaamay in kulankani uu yahay mid muhiim u ah Dib u eegista dastuurka Jamhuuriyadda.