Thursday, July 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Jaamacadda SIU oo safka hore ka gashay tayaynta tacliinta sare ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 22, 2016
in Keyd Hore, Wararka
0
Jaamacadda SIU oo safka hore ka gashay tayaynta tacliinta sare ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafllad si heer sare ah Maamulka Jaamacadda SIU usoo qabanqaabiyay ayaa maantay lagu qabtay Muqdisho. Xafladaan oo ay kasoo qayb galeen Wasiiro, Xildhibaanno, arday, waalidiin, aqoonyahano iyo marti sharaf kale ayaa waxaa  lagu sagootinayay in kabadan 80 arday oo ukala socdta Jaamcaddaha Makarere, University of Nairobi, Gulu University iyo Mbrara University of Science and Technology oo ku kala yaala Kenya iyo Uganda. Sidoo kale waxaa isla xafladaan lagu soo dhaweynayay 65 arday oo waxbarasho ku soo qaatay Jaamacaddo ku yaala bariga Afrika iyo sagootinta 12 macalin oo ka mid ah Jaamacadda SIU oo ayaguna takhasusaad dhakhtarnimo iyo Saynis iskugu jira Masters iyo Phd u aadi doona Jamacaddaha ay SIU xiriirka dhow la leeyihiin. Maahan markii ugu horeysay ee Jaamacadda SIU araday udirto dalka dibadiisa. Waxaay Jaamacaddu sanadihii lasoo dhaafay arday u kala dirtay dalalka Turkiga, Sudan, Kenya iyo Uganda.

Waa markii ugu horeysay ee Jaamacad kutaala dalka ay barnaamij nuucaan oo kale ah ay u samayso ardayda wax kabarata si loo soo saaro arday aqoon iyo xirfadba u leh takhasusaadka caafimaadka iyo technology-da.

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐞𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐤𝐡𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐞𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐤𝐡𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

July 23, 2025
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD

July 23, 2025

Madaxa Arrimaha Waxbarashada ahna kusimaha Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Prof. Dr C/risaaq Xasan Maxamed ayaa sheegay in hadafka guud ee loo aasaasay Jaamacada SIU uu ahaa in la soosaaro aqoonyahano soomaaliyeed oo leh aqoon, xirfad iyo akhlaaq wanaagsan, waxaana Jaamacadda SIU si ay arrinkaas uga dhabayso sedexdii sano ee lasoo dhaafay aad ugu dadaashay in xiriiro kala duwan la yeelato jaamacaddaha kala duwan oo ku yaala aduunka dacaladiisa, gaarahaan kuwa geeska Africa. Sidoo kale Jaamacadda SIU waxeey ku guuleysatay in ay aqoonsiyo heer caalamihi ku hesho kadib markii ay maalgelisay/diyaarisay manhaj iyo laabab casri ah si ay aqbalaad uga hesho hay’adaha qiimaynta ku sameeyo waxbarashada.

Waxaa marti sharaftii xaflada ka hadashay ay wada qireen in Jaamacadda SIU hormuud ay katahay tacliinta sare ee dalka ayna ka go’an tahay in ay tayo geliso tacliinta sare, iyada oo kaashanaysa jaamacaddaha kale ee soo jireenka ah isla markaana horumar kasameeyay xirfadaha iyo technolojiyada barashada iyo barista iyo cilmi barista.

Jaamacadda SIU waxeey goobta xaflada ka dhacaysay kusoo bandhigtay ardaydii soo dhamaysatay Jamacaddaha kala duwan oo ay xiriirka dhow leeyhiin waxaayna aad uga faaloodeen sidii ay uga faa’iideen barnaamijkaan arday, macalimiin iyo cilmibaaris isdhaafsiga ah.

Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa xusay in maamulka Jaamacadda SIU ay ku guuleysteen sare u qaadidda tayaynta tacliinta sare, ayna la garab taaganyihiin taageero dhinac waliba leh maadama ay soo saarayan aqoonyahano waxtar u leh dadka iyo dalka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cusmaan Maxamed Cabdi ayaa maamulka Jaamacadda u balanqaaday abaalmarin si loo dhiiri geliyo dadaalada Jaamacaddu ay wado so loo soosaro dhakhaatiir lahubo kana codsaday Jaamacadda in ay dhkhaatiirta usoo qalin jibasay Wasaardda kala shaqeeyaan sidii degmooyinka kala duwan ee dalka adeegya caaafimaad oo hufan looga heli lahaa.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare Xaamud Cali Xasan ayaa hambalyo u jeediyay ardayda la soo dhaweeynayo, kuwa la sagootinayo iyo macalimiinta takhasusaadka loo dirayo wuxuuna xusay in sanadkii hore Maamulka Jaamacadda SIU Wassaraddu ay gudoonsiisay shahaado sharaf laxiiirta tayaynta tacliinta sare ayna Jaamcaddu dadaalo dheeri ah gelisay in ay gudato waaajibaadka kasaaran tayayna tacliinta.

Sanad ka hor mas’uuliyiinta Jaamacadda SIU ayaa waxbarasho dibada ah u diray arday ka mid ah Jaamacadda, taasi oo qeyb ka ah horumarinta tacliinta sare ee dalka.

DSCN3860 DSCN3867 DSCN3869 DSCN3871 DSCN3872 DSCN3873 DSCN3877 DSCN3882 DSCN3885 DSCN3888 DSCN3889 DSCN3890  DSCN3894 DSCN3895 DSCN3896 DSCN3911 DSCN3913 DSCN3915 DSCN3917 DSCN3918 DSCN3927 DSCN3929 DSCN3930 DSCN3931 DSCN3935 DSCN3936 DSCN3937   DSCN3948 DSCN3959 DSCN3962 DSCN3965 DSCN3967 DSCN3974 DSCN3980 DSCN3999 DSCN4002 DSCN4006 DSCN4024 DSCN4032 DSCN4034 DSCN4054 DSCN4066 DSCN4083 DSCN4099 DSCN4117  DSCN4126 DSCN4128 DSCN4130

Sawir qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir 

 

 

 

 

Previous Post

Dhageyso: Warka Radio Muqdisho

Next Post

Wasirka arrimaha gudaha ee Xukuumadda Federaalka oo booqday dugsiga tababbarka booliska Galmudug “SAWIRRO”

Next Post
Wasirka arrimaha gudaha ee Xukuumadda Federaalka oo booqday dugsiga tababbarka booliska Galmudug “SAWIRRO”

Wasirka arrimaha gudaha ee Xukuumadda Federaalka oo booqday dugsiga tababbarka booliska Galmudug "SAWIRRO"

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐞𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐤𝐡𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐞𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐤𝐡𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

July 23, 2025
0

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaali Mohamed Hassan Mohamed ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka...

Federal Government Condemns Hijacking of SEA WORLD Vessel, Calls for Immediate Release and Constitutional Compliance

Federal Government Condemns Hijacking of SEA WORLD Vessel, Calls for Immediate Release and Constitutional Compliance

July 23, 2025
0

The Federal Government of Somalia has strongly condemned the unlawful hijacking of the SEA WORLD vessel, a Comoros-flagged ship transporting...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD

July 23, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD, kaas oo wata calanka Jasiiradda Comoros....

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚qada XFS 𝐨𝐨 d𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 m𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 lagu horumarinayo q𝐨𝐲𝐬𝐚𝐬 d𝐚𝐧𝐲𝐚𝐫 𝐚𝐡

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚qada XFS 𝐨𝐨 d𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 m𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 lagu horumarinayo q𝐨𝐲𝐬𝐚𝐬 d𝐚𝐧𝐲𝐚𝐫 𝐚𝐡

July 23, 2025
0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In