Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar ka mid ah shaqaalihii Maamulka Hawada oo dib ugu soo wareegay xarunta Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Qaar ka mid ah shaqaalihii Maamulka Hawada oo dib ugu soo wareegay xarunta Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In ka badan 25 sano oo ay ku howlgalayeen Shaqaaalaha maamulka Hawada Soomaaliya magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa qeybtii ugu horeysay oo ka kooban 34 ruux maanta ay ku soo noqdeen dalkooda si ay uga howlgalaan xarunta ugu weyn Maamulka Hawada Soomaaliya oo ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ay ka hirgalisay Dowladda.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxa ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya oo uu wehliyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradaasi iyo masuuliyiin kale

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar)  oo ka hadlayay soo noqoshada shaqaalaha maamulada hawada inay marqaati ka tahay in Soomaaliya dib ula soo wareegtay maamulka Hawadeeda, ayna shaqaalan ku shaqeyn doonaan xarunta ugu weyn ee magaalada Muqdisho.

“Maanta waxaan marag ka nahay, sida aan ku balan qaadnay 28-kii bisha December ee 2017-ka in Hawada Soomaaliya laga maamulaayo maalintaa ka bilaabata wadanka gudiisa, iany maanta noo soo guuren shaqaalihii hal bowlaha u ahaa hay’adda, 34 ka mid ah shaqaalalaasi oo tan iyo 1993-kii ka shaqeynayay xafiiska Nairobi ee dalka Kenya ay maanta si joogta ah u soo guureen magaalada Muqdisho, ayna ka shaqeyn doonaan xarunta hay’adda ee caasimadda dalka” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Mudane Oomaar ayaa intaas kadib waxa uu uu xariga ka jaray hoyga shaqaaha maamulka Hawada Soomaaliya waxaana uu ku dhiira galiyya bilowga howshooda inay si fiican u gutaan.

Jaamac Axmed Muuse Ku-simaha Maareeyaha Hey’ada Duulista iyo Sadaasha Hawada  iyo Cabdi Aadan Xasan  oo ka mid ah shaqaalaha maanta sida tooska u uga soo wareegay Muqdisho ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin  hawada Qaranka inay dib uga maamulaan gudaha dalka, muddo ka yar bilna ay ku howl bilaabayaan,

In ka badan 25 sano oo Hawada Soomaaliya laga maamulayay magaalada Nairobo ee dalka Kenya, ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay  dib ula soo wareegidda maamulka Hawada oo qeyb weyn ka ah ilaalinta xoriyadda iyo madax banaadida dalka.

 

 Abdishakuur Ali Ahmed

 

Previous Post

Ku dhawaad 500 oo arday oo maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Soomaaliya

Next Post

Xaflad lagu soo dhaweynayay isku darka labada Baarlamaanka oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Next Post
Xaflad lagu soo dhaweynayay isku darka labada Baarlamaanka oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Xaflad lagu soo dhaweynayay isku darka labada Baarlamaanka oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In