In ka badan 25 sano oo ay ku howlgalayeen Shaqaaalaha maamulka Hawada Soomaaliya magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa qeybtii ugu horeysay oo ka kooban 34 ruux maanta ay ku soo noqdeen dalkooda si ay uga howlgalaan xarunta ugu weyn Maamulka Hawada Soomaaliya oo ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ay ka hirgalisay Dowladda.
Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxa ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya oo uu wehliyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradaasi iyo masuuliyiin kale
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ka hadlayay soo noqoshada shaqaalaha maamulada hawada inay marqaati ka tahay in Soomaaliya dib ula soo wareegtay maamulka Hawadeeda, ayna shaqaalan ku shaqeyn doonaan xarunta ugu weyn ee magaalada Muqdisho.
“Maanta waxaan marag ka nahay, sida aan ku balan qaadnay 28-kii bisha December ee 2017-ka in Hawada Soomaaliya laga maamulaayo maalintaa ka bilaabata wadanka gudiisa, iany maanta noo soo guuren shaqaalihii hal bowlaha u ahaa hay’adda, 34 ka mid ah shaqaalalaasi oo tan iyo 1993-kii ka shaqeynayay xafiiska Nairobi ee dalka Kenya ay maanta si joogta ah u soo guureen magaalada Muqdisho, ayna ka shaqeyn doonaan xarunta hay’adda ee caasimadda dalka” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.
Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Mudane Oomaar ayaa intaas kadib waxa uu uu xariga ka jaray hoyga shaqaaha maamulka Hawada Soomaaliya waxaana uu ku dhiira galiyya bilowga howshooda inay si fiican u gutaan.
Jaamac Axmed Muuse Ku-simaha Maareeyaha Hey’ada Duulista iyo Sadaasha Hawada iyo Cabdi Aadan Xasan oo ka mid ah shaqaalaha maanta sida tooska u uga soo wareegay Muqdisho ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin hawada Qaranka inay dib uga maamulaan gudaha dalka, muddo ka yar bilna ay ku howl bilaabayaan,
In ka badan 25 sano oo Hawada Soomaaliya laga maamulayay magaalada Nairobo ee dalka Kenya, ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay dib ula soo wareegidda maamulka Hawada oo qeyb weyn ka ah ilaalinta xoriyadda iyo madax banaadida dalka.
Abdishakuur Ali Ahmed