Dowladda Kenya ayaa dib u fasaxday Telefishinnada Citizen iyo Inooro gelinkii dambe ee shalay, markii lagu eedeeyay inay tebiyeen warar ku saabsan isbahaysiga mucaaradka ee NASA.
Horay ayay Dowladda Kenya u xiraty taleefishannada kala ah Ntv,Ktn,Citizen iyo Inooro waxaana Maalmo ka hor dib hawada ugu soo laabtay Ntv,Ktn.
Talafishanadan ayaa albaabada la isugu dhuftay 30 Janaayo ee Sanadkan, markii laga baahiyay isdhaarintii hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Dalka Kenya ee Nasa, Raila Odinga.
Isha/ Nairobi News NN