Sunday, August 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Qabriga qasnajigii Fircoon oo la helay!

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Maqaallo
0
Qabriga qasnajigii Fircoon oo la helay!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda dalxiiska ee Masar, ayaa sheegtay maalintii shalay aheyd in ay heleen qabrigii “Bataax M Waya” oo  ahaa qasnad-hayii fircoon. Qabriga waxaa helay koox arday ah oo dhigtaan jaamacad ku taal dalka masar kuwaas oo qodis ka waday wadadda koofureed ee aada qabriga boqor Onaas.

Cala Al-cajiizi oo aheyd madaxa kooxdaan baarayaasha ah, ayaa sheegtay in qabriga la helay uu watay calaamadihii lagu yiqiinay qasnad hayeyaalka dowladda, kuwaas oo qabrigooda lagu magacaabi jiray “Macbad”, meesha kuwa kale qabri loo garanayay. Waxa uuna qabrigaani ka koobanyahay albaab laga galo oo ka sameysan (marmar) mutuleelka oo kale ah, iyo barxad ku xigta oo tiirar shub ah oo waaweyn ay celinayaan, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.

Related posts

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

November 13, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

December 29, 2022

Qabrigan oo albaabkiisa shub adag laga dhigay ayaa waxaa ku naqshadeysan sawirka qofka uu yahay qabrigaan. Iyo sawiro diimeedyo si qurxoon loogu naqshadeeyey gidaarada barxada qabriga. Muuqaalada ugu muhiimsan ee ku naqshadeysnaa gidaarada qabrigaan, ayaa waxa ay ahaayeen, goobaha laga soo aruurin jiray lacagaha qurbaanka iyo goob loogu talo galay in lagu qalo dibi loo bixin jiray xilligaas qurbaanka boqorka.

Dhankiisa xoghayaha guud ee hay’adda qaabilsan raadadka taariikhdii hore, ayaa sheegay in qabrigaan naqshadihiisa laga arki karo jagooyinkii uu soo qabtay ninka qabrigaan lahaa. Waxaana ka mid ahaa, qoraaga boqorka, qasnad hayaha, iyo waliba madaxa soo aruurinta canshuuraha.

Fircoon ama sida taariikhyahannadu sheegaan Ramses 2 ayaa ah kii lagu xusay quraanka ee ilaahnimada sheegtay. Waxa ayna taariikhdu sheegeysaa in uu ka mid ahaa fircoonkaan qoyskii 19aad ee faraacinadii hore. Waxa uuna xukunka 1212-1279 C.H, oo noqoneysa 69sano.

Previous Post

Madaxweyne Deni oo qaabilay xubno ka socda  Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal “SAWIRRO”

Next Post

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo dhismooyin lagu kordhinayo

Next Post
Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo dhismooyin lagu kordhinayo

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo dhismooyin lagu kordhinayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

August 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

August 16, 2026
0

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka DWBS, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay ku xigeenka Ergayga...

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka tababar ugu soo xiray Galgaduud

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dugsiga Xananbuure ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In