Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qado sharaf loo sameeyay carruurta araga la’ ee Dugsiga Al-Basiir-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Qado sharaf loo sameeyay carruurta araga la’ ee Dugsiga Al-Basiir-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha degmadda Waabari ee gobolka Banaadir ayaa  kulan qado sharaf ah u sameeyay caruurta  araga la’ ee dhigta dugsiga Al- Basiir iyagoo kulankaasi goob joogka ahaayeen macalimiinta dugsiga gacanta ku haya waxaa uuna gudoomiyuhu xog wareysi kala yeeshey xaalada carruurta iyo nolosha ay ku nool yihiin.

Maamulaha Iskuulka Al-Basiir Abiikar Xuseen Bashiir oo goobta ka hadlay ayaa sheegey in carruurta waxbarashada dugsigan ay daruuf kala duwan oo dhanka nolashada ay ay qabaan isagoona mahadcelin u jeediyay gudoomiyaha maamulka degmada Waaberi.

Related posts

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026

“Waxan u mahadcelineynaa gudoomiyaha degmada Waabari oo aad uga warqaba mar walba caruurtani xaaladooda waana ku faraxsanahey waana shaqsi maamulka gobolaka ka mid ah oo aad inooga warqaba”. Ayuu yirir maamule Abiikar.

Amal Cabdullaahi Axmed waa gabar ka mid ah caruurta araga la’a ee dhigata Iskuulka Al basiir ayaa si weyn u soo dhaweysay qadada uu u sameeyay gudoomiyaha degmada iyadoo sheegtay in ay farxad weyn u tahay arintan.

Gudoomiyaha maamulka degmadda Waabari Axmed Muumin Maxamed oo ugu dambeyn halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ugu baaqey madaxda dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed iney dhalinyaraddan ka taageeraan dhanka waxbarashadda loona helo goobo waxbarasho oo ku haboon.

“Qof walba oo muwaadin ah waxa uu masuuliyadi ka saarantahey gacan  buuxda inuu siiyo caruurtan araga la’a waxeyna xaq uleeyihiin sida kuwa araga leh sidey wax u helayaan  waxana ugu baqeynaa madaxda dowladda iyo muwaadiniinta soomaaliyeed sidii looga saacidi lahaa”. Ayuu yiri Muumin.

Talaabadan uu qaaday gudoomiyaha maamulka degmada Waaber oo uu qadada ugu sameeyay carruurta araga la’ ayaa ah mid dhiirigelinaysa carruurtan Soomaaliyeed oo u baahan in la taageero mana ahan markii ugu horeysay oo carruurta araga la’ uu taageero u muujiyo waxaa sidoo kale taageero la taaban karo u muujiyay wasiirkii hore ee warfaafinta ahna mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

vlcsnap-2015-06-05-14h21m14s38 vlcsnap-2015-06-05-14h21m22s93 vlcsnap-2015-06-05-14h21m43s69 vlcsnap-2015-06-05-14h21m49s123 vlcsnap-2015-06-05-14h21m55s191 vlcsnap-2015-06-05-14h22m11s89 vlcsnap-2015-06-05-14h22m23s207 vlcsnap-2015-06-05-14h22m33s51 vlcsnap-2015-06-05-14h22m38s104  vlcsnap-2015-06-05-14h23m08s153 vlcsnap-2015-06-05-14h23m18s246  vlcsnap-2015-06-05-14h23m26s73 vlcsnap-2015-06-05-14h23m31s126 vlcsnap-2015-06-05-14h24m05s205

Sawir Qaade: Maxamed Ibraahim Raage

Previous Post

Xildhibaan Dhuxulow oo Caruurta Caseeyashaa hotelada ugu sameeyey Sandaqado ay ku shaqeystaan(Sawirro)

Next Post

Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya Iyo Uganda Oo Kampala Ku Kulmay “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya Iyo Uganda Oo Kampala Ku Kulmay “SAWIRRO”

Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya Iyo Uganda Oo Kampala Ku Kulmay “SAWIRRO”

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hoggaaminayso dadaallada Golaha Ammaanka ee...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In