Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qado sharaf loo sameeyay carruurta araga la’ ee Dugsiga Al-Basiir-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Qado sharaf loo sameeyay carruurta araga la’ ee Dugsiga Al-Basiir-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha degmadda Waabari ee gobolka Banaadir ayaa  kulan qado sharaf ah u sameeyay caruurta  araga la’ ee dhigta dugsiga Al- Basiir iyagoo kulankaasi goob joogka ahaayeen macalimiinta dugsiga gacanta ku haya waxaa uuna gudoomiyuhu xog wareysi kala yeeshey xaalada carruurta iyo nolosha ay ku nool yihiin.

Maamulaha Iskuulka Al-Basiir Abiikar Xuseen Bashiir oo goobta ka hadlay ayaa sheegey in carruurta waxbarashada dugsigan ay daruuf kala duwan oo dhanka nolashada ay ay qabaan isagoona mahadcelin u jeediyay gudoomiyaha maamulka degmada Waaberi.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Waxan u mahadcelineynaa gudoomiyaha degmada Waabari oo aad uga warqaba mar walba caruurtani xaaladooda waana ku faraxsanahey waana shaqsi maamulka gobolaka ka mid ah oo aad inooga warqaba”. Ayuu yirir maamule Abiikar.

Amal Cabdullaahi Axmed waa gabar ka mid ah caruurta araga la’a ee dhigata Iskuulka Al basiir ayaa si weyn u soo dhaweysay qadada uu u sameeyay gudoomiyaha degmada iyadoo sheegtay in ay farxad weyn u tahay arintan.

Gudoomiyaha maamulka degmadda Waabari Axmed Muumin Maxamed oo ugu dambeyn halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ugu baaqey madaxda dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed iney dhalinyaraddan ka taageeraan dhanka waxbarashadda loona helo goobo waxbarasho oo ku haboon.

“Qof walba oo muwaadin ah waxa uu masuuliyadi ka saarantahey gacan  buuxda inuu siiyo caruurtan araga la’a waxeyna xaq uleeyihiin sida kuwa araga leh sidey wax u helayaan  waxana ugu baqeynaa madaxda dowladda iyo muwaadiniinta soomaaliyeed sidii looga saacidi lahaa”. Ayuu yiri Muumin.

Talaabadan uu qaaday gudoomiyaha maamulka degmada Waaber oo uu qadada ugu sameeyay carruurta araga la’ ayaa ah mid dhiirigelinaysa carruurtan Soomaaliyeed oo u baahan in la taageero mana ahan markii ugu horeysay oo carruurta araga la’ uu taageero u muujiyo waxaa sidoo kale taageero la taaban karo u muujiyay wasiirkii hore ee warfaafinta ahna mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

vlcsnap-2015-06-05-14h21m14s38 vlcsnap-2015-06-05-14h21m22s93 vlcsnap-2015-06-05-14h21m43s69 vlcsnap-2015-06-05-14h21m49s123 vlcsnap-2015-06-05-14h21m55s191 vlcsnap-2015-06-05-14h22m11s89 vlcsnap-2015-06-05-14h22m23s207 vlcsnap-2015-06-05-14h22m33s51 vlcsnap-2015-06-05-14h22m38s104  vlcsnap-2015-06-05-14h23m08s153 vlcsnap-2015-06-05-14h23m18s246  vlcsnap-2015-06-05-14h23m26s73 vlcsnap-2015-06-05-14h23m31s126 vlcsnap-2015-06-05-14h24m05s205

Sawir Qaade: Maxamed Ibraahim Raage

Previous Post

Xildhibaan Dhuxulow oo Caruurta Caseeyashaa hotelada ugu sameeyey Sandaqado ay ku shaqeystaan(Sawirro)

Next Post

Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya Iyo Uganda Oo Kampala Ku Kulmay “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya Iyo Uganda Oo Kampala Ku Kulmay “SAWIRRO”

Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya Iyo Uganda Oo Kampala Ku Kulmay “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In