Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobay oo ka walaacsan xaaladaha ka sii daraya ee dadka iyo deegaanka Gaza

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
1 year ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo ka walaacsan xaaladaha ka sii daraya ee dadka iyo deegaanka Gaza
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay (OHCHR) ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin ciidamada Israa’iil oo laga yaabo in ay sabab u noqdaan burburka deegaanka iyo dadka reer Falastiin ee ku nool woqooyi Gaza, iyada oo loo sii marayo xasuuqid iyo barakicin.

 

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

December 16, 2025

Qaramada Midoobay waxay si gaar ah uga walaacsan tahay dadka ku nool Jabalia, Beit Hanoon iyo Beit Lahiya, halkaas oo in ka badan 87 falastiiniyiin ah lagu dilay ama la la’yahay ka dib markii ay Israa’iil weerartay oo dhulka la sintay dhisme dhan oo la deggan yahay.

 

Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay in cagaf-cagaf ay leeyihiin ciidamada Israa’iil ay burburiyeen daar ku taallay koonfurta Lubnaan oo ay ku sugnaayeen ciidamada nabad ilaalinta qaramada midoobay oo muddo sanado ah halkaasi ku joogay ogolaanshaha caalamiga ah ee UN-ka.

 

Dhinaca kale,ugu yaraan 12 gantaal oo Israa’iili ah ayaa ku dhacay duleedka koonfureed ee Beirut ,halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.

 

Dagaalka Qaza waxaa illaa hadda ku dhintay ugu yaraan 42,603 ​​qof ,halka dhaawaca lagu sheegay 99,795,iyadoo sidoo kale duqeynaha Israel ee Lubnaan ay ku dhinteen in ku dhow laba kun oo ruux.

Previous Post

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dalka dib ugu soo celisay qaxooti Soomaaliyeed oo muddo ku xanibnaa dalkaas

Next Post

Shir sanadeedka labaad ee Furdooyinka Urur Goboleedka EAC oo lagu soo gabagabeeyay Dalka Tanzania

Next Post
Shir sanadeedka labaad ee Furdooyinka Urur Goboleedka EAC oo lagu soo gabagabeeyay Dalka Tanzania

Shir sanadeedka labaad ee Furdooyinka Urur Goboleedka EAC oo lagu soo gabagabeeyay Dalka Tanzania

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qaybgalay shirkii labaad...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

December 16, 2025
0

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u daahfuray tababar ballaaran oo loo qabanayo in ka badan 4,000 oo...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

December 16, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mohamed Farah Nuux, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka...

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In