Friday, June 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqday in ay  guuldareysteen wadahadaladii Libya ee ka socday Geneva

caqiil by caqiil
July 3, 2021
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqday in ay  guuldareysteen wadahadaladii Libya ee ka socday Geneva
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isuduwaha Howlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya, Rizdon Zeninga, ayaa galinkii danbe ee shalay ku dhawaaqay  inuu  guuldareystay wadahadaladii Geneva ugu socday dhinacyada Liibiya ee ku saabsanaa doorashooyinka iyo dastuurka.

Sargaal ka socday Qaramada Midoobay oo ka hadlay Kulankii xiritaanka shirka ayaa sheegay in wadahadalada ay u guul dareysteen tanaasul la’aanta dhinacyada wada xajoodka ka qeybgalay.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan la shaqeyno guddigii lagu dhisay is af garadka si aan u diyaarinno xoogta doorashooyinka loona helo madal ay u wada siman yihiin dhamaan dhinacyada Liibiya, si mar kale loo wada hadlo,” ayuu ku yiri Rizdon Zeninga, oo ka hadlayay xiritaanka shirka.

Ergaygii UN-ka u qaabilsanaa shirka ayaa sheegay in wadahadaladii ka socda Geneva oo ay dadka reer Liibiya  ku haminayeen si ay u doortaan madaxweyne iyo baarlamaan uu gabi ahanba guul dareystay, taasi oo uu ku sababeeyay in dhinacyadii ka qeyb galay shirka ay isku afgaran wayeen.

Dalka Liibiya ayaa la dalaa dhacaya saameyntii ka dhalatay iskahorimaadyadii  hubeysanaa ee dalkaasi ka dhacay sanado ka hor, Kuwaa oo ay taageerayeen qaar kamid ah waddamada Carabta iyo kuwa reer galbeedka, si gaar ah maleeshiyada uu hogaamiyo Khalifa Xaftar ayaa si weeyn ula dagaalamay Dowladdii uu Caalamka aqoonsanaa ee lagu dhisay Heshiiska Qaranka.

Previous Post

Press Statement: Jubba Hotel Bombing

Next Post

Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo dib loo furay

Next Post
Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo dib loo furay

Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo dib loo furay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay...

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In